Kheyre oo ka digay arrimo dhowr ah oo ka dhex jira magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa ka digay in dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ka qeybqaadan waayan amniga magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid muqadas ah, isla markaana ay mas’uuliyad ka saran tahay cid waliba oo ku nool magaalada.

Waxa uu Ra’isul wasaaruhu tilmaamay in shacabka laga doonaayo xitaa inay soo gudbiyaan haddii ay habacsanaan muujinayaan ciidamada xaqiijinaaya amniga waddooyinka.

‘’Dhibka ugu badan waxa uu ku dhacaa shacab masaakiin ah, si looga gaashaanto dhagarta noocaas ah, waxaan dooneynaa in dadka shacabka ee reer Muqdisho ay si dhow ula shaqeeyan ciidamada amaanka’’

‘’Cid waliba waxaa mas’uuliyad ka saran amniga, anaguna waxaa mas’uuliyad naga saran inaan ka shaqeyno sida looga hortagi lahaa amni darro jirta’’

Ra’isul wasaaruhu waxa uu qiray inay jiraan dhinacyo dhowr ah oo ka faa’iideysta amni darada balse waxa uu cod dheer ku sheegay in kuwa noocaasi ah ay mari doonaan sharciga.

‘’Waxaan la socnaa in magaalada Muqdisho ay ka jiraan waxyaabo badan oo qalqal amni ah, dadka ku shaqeysta waxaan leenahay ha isku badnaadan’’

Waxa uu Kheyre sheegay inay muhiim tahay in si wada jira looga wada shaqeeyo amniga dalka, waxa uuna xaqiijiyay inaanu dhici doonin askari ku xadgudbaa qof shacab ah.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmay xili magaalada Muqdisho waayadaani ay marti galineyso amni darro isugu jirta dilal iyo Qaraxyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com