Maxaad ka taqaana musharixiinta maanta u tartamaya kursigii uu ka dhintay xildhibaan Bootan Ciise Caalin

1967-dii kadib, waxaa ay Dhuusamareeb maanta marti galin doontaa doorasho heer Qaran ah.

Kursigii uu ka dhintay Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa doorashadiisa lagu qababaya caasimada Gal-Mudug, doorashada ayaa bilaabatay goordhow.

Cabdulaahi Faarax Weheliye iyo Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ayaa ku tartami doonna kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia.

Cabdulaahi Faarax
—————————-
Weheliye waxaa riixaya xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre, hada waa wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha, ninkan waxaa lagu tilmaama inuusan siyaasad ahaan xor aheyn ,waxaa lagu eedaya inuu lee yahay daqaro hore, xiligii uu ahaa maamulaha shirkadii bur burtay ee Qaran Express.

Labo jeer ayaa loo isticmaalay inuu dumiyo maamul goboleedyo dhisan isagoo wasiiru dowle ah, dhowaan Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa diiday inuu xubin ka noqdo waan waantii ka socotay Jabuuti, inkastoo hada arrinkaa laga heshiiyay.

Dad badan ayaa ka walaacsan inuu kusoo baxo kursigaan, laakiin doorashada kadib waxaa laga yaabaa inuu badalo Ajandihiisa siyaasiga ah.

Maxamed Cilmi
———————–
Mideeye wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii madaxtinimada ee Gal-Mudug, kadib waxaa uu noqday wasiirka iskaashiga ee Gal-Mudug, waxaa la sheegaa inuusan heysan faham badan oo siyaasi ah, laakiin dadka yaqaana waxey ku tilmaman nin daacad ah.

Wuxuu waqti dheer la shaqeynaayay Hay’adaha samafalka, si wanaagsan ayaa looga garanaya Gal-Gaduud iyo Mudug madaama uu mudo caawinayay dadka goboladda dhexe.

Dadka yaqaanna waxey ku tilmaaman nin qableh oo dhaqaalo ahaana dhisan, lama oga inuu siyaasad ahaan koray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Gunaanad
—————–
Labadda ninba waxey heystaan rajo fiican ka hor inta aaney codeyntu bilaaban, Cabdulaahi Faarax oo dhanka Xukuumada ka socda ayaa loo arkaa inuu qabo kalsooni ka badan mida Mideeye, laakiin meesha lagama saari karo inuu Maxamed Cilmi ka jeeb buuran yahay Cabdulaahi Faarax.

Waxaa Qoray-Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com