Kheyre “Guddoomiyihii shaqadiisa qabsan waaya, shaqada halaga ceyriyo”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaaha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu shaqada ka ceyriyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ee shaqadooda ka soo bixi waaya.

Kulan uu la qaatay maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha ciidamada Booliska ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo qaaday kulan dhex maray guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo isagoo xusay inuusan madaxweynaha ku qanacsaneyn xaaladda amni darrada magaalada Muqdisho.

“Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaan sharci ahaan wax awood ah ku lahayn maamulka Gobolka Banaadir oo si toos ah u hoostaga Madaxweynaha, laakiin magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid uu Mudane Kheyre ka danbeeyay.

Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com