Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ku guuleystay kursigii uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise

Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa ku adkaaday codeynta xildhibaan Aqalka Hoose ah oo goordhow ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb, waxaa loo tartamaayay kursigii xildhibaanimo ee uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Wehliye oo taageero buuxa ka helaayay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku badiyay wareegii hore ee doorashada markii uu helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 17 cod, halka Cabdulaahi Faarax Xirsi uu helay 3 cod, tiiyoo ay jirto iney 3 cod halaawday.

Waa doorashadii ugu horeysay oo Heer Qaran ah oo ka dhacda Dhuusamareeb tan iyo 1967-dii.

Waa kuma Cabdulaahi Faarax
———————————–
Weheliye waa nin dhalin yaro ah oo ku cusub siyaasadda, waa qurbo joog, wuxuu ahaan jiray ganacsade, waa maamulihii hore ee shirkaddii bur burtay ee Qaran Express ,waxaa uu ku jiraa dadka loo tiriyo bur burka shirkadaas.

Cabdulaahi Faarax hada waa wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha, ninkan waxaa lagu tilmaama inuusan siyaasad ahaan xor aheyn.

Labo jeer ayaa loo isticmaalay inuu dumiyo maamul goboleedyo dhisan isagoo wasiiru dowle ah, dhowaan Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa diiday inuu xubin ka noqdo waan waantii ka socotay Jabuuti, inkastoo hada arrinkaa laga heshiiyay.

Waxaa lagu tilmaama mid ka mid ah gacmaha uu Raiisul wasaare Kheyre u isticmaalo dagaaladda siyaasadda , dadka aad ula socday doorashada kursigaan ayaa aaminsan in lacagha lagu doortay ay ka timid xafiiska Raiisul wasaaraha.

Ma’ahan nin shacbiyad badan kuleh beesha dhexdeeda, waxaase ay dad badani eegi doonaan waxa iska badala hab dhaqankiisa siyaasiga ah kadib doorashada xildhibaanimo ee maanta dhacday.

Waxaa Qoray-Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com