Maxkamadda Hargeysa oo abwaanad Naciima Qorane ku xukuntay saddex sano oo xarig ah

Hargeysa (Caasimadda Online) – Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xidhneyd magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho.

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa Guuleed Dalfac oo la hadlay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa waxa uu sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ay rafcaan ka qaateen xukunkan.

Gudoomiye Guuleed waxa uu kaloo sheegay in xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa ay cambaareyneyso xukunkan oo ah mid ka hor imanaya xorriyada qofka ee hadalka.

Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com