DF oo xayiraadii dhanka safarada ka qaaday CC Shakuur iyo ilaaladii laga dilay oo diyo laga bixiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Siyaasi kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa laga qaaday Xayiraadii ka saarneyd inuu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International.

Xeer Ilaalinta qaranka ayaa Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeysay dambi qiyaano qaran iyo Inqilaab taasoo keentay in waraaq xayiraad ah laga dhigo garoonka Diyaaradaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International, wuxuuna boggiisa Facebook soo dhigay sawir sarbeeb ah oo uu ku sheegayey in xayiraadii laga qaaday.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u safray dalka Kenya oo Soomaaliya deris la ah, wuxuuna saxaafadda u xaqiijiyey in xayiraadii laga qaaday isla markaasna ay dowladda Soomaaliya ka noqotay dacwadii ay ka gudbisay.

Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday inay wax dambi ah ku weysay Siyaasigaan.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo dowladda ayaa bixisay diyada ilaaladii lagu dilay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana diyada la siiyay qoyskii dadkii dhintay iyo odayaasha beesha.

Kiiskaan oo muran badan ka dhashay ayaa waxaa ugu dambeyn la rumeysan yahay inuu lug ku lahaa xalinteeda Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta  Sabriye oo ay isku beel yihiin Siyaasi cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxaman Cabdishakuur ayaa kamid ahaa siyaasiyiin badan oo doonayey inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre waxayna arrintaas keentay in lagu soo oogo dacwad qaran dumisnimo ah, waxaana dhaqdhaqaaqyada Siyaasigaan dabada ka riixeysay dowladda Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com