Maxay ku saabsanaan doontaa khubadda Farmaajo uu ka jeedin doono shirweynaha Carabta?

Dammaam (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kulankaasi ka jeediyo Khubad uu kaga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia iyo Aragtida DFS ee Xiisadaha ka aloosan Dunida Carabta,

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan.

Kulanka Jaamacadda Carabta ayaa sanad kasta waxaa looga hadli jiray Xaaladda Soomaaliya balse waxaa muuqato in labadii shir ee lasoo dhaafay in looga hadlayo Qidiyadaha wadamo kale oo Carbeed sida Falastiin, Siiriya iyo Ciraaq, waxayna taas muujineysaa in Soomaaliya ay  xaalad dagan ku jirto.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo marta xaalado kala duwan, waxayna hadda joogtaa meel aad u sareyso wuuxuna dalka leeyahay dowlad rasmi ah halkii uu markii hore ka lahaan jiray dowlado kumeel gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com