Shacabka Muqdisho oo mowqif mideysan ka qaatay faragalinta ay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Khilaaf Siyaasadeedka dowlada Somalia kala dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta.

Dadka shacabka ah oo siyaabo kala duwan ugu waramaayay Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowlad Somalia laga doonaayo inay qaadato go’aan ka dhan ah imaaraadka carabta.

Dadkaani waxa ay tilmaameen in maslaxada dowlada Somalia ay tahay mid ku jirta inay laasho xiriirka Diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta.

Waxa ay dowlada Somalia ugu baaqeen inay al-baabada u xirto dhammaan xarumaha uu Imaaraadka ku leeyahay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Dadka ugu badan ayaa dowlada Somalia u soo jeediyay in dalka laga eryo guud ahaan Imaaraadka, isla markaana lagala wareego hantida ka taal xarumaha.

Mid kamid ah shacabka ka hadlaayay khilaafka labada dal oo u waramaayay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa yiri ‘’Xaqiiqatan waxaan ognahay waxa ay noo dhibeen Imaaraadka, ma garaneyno waxa ay noo qabteen imaaraadka, waxa ay kala qeybisay ciidankeena waxaad maqleysaa ciidamo daacad u ah Imaaraadka’’

‘’Waxaan ugu baaqeynaa dowlada Somalia inay naga saran Imaaraadka, hanaga xirto dhammaan xarumahooda ku yaala dalka, sharaf aysan naga laheyn kama lihin’’ ayuu yiri mid kale oo kamid ah shacabka Muqdisho.

Dadka ka qeybqaadanaayay wareysiga ayaa gabi ahaan ka sinaa in dowlada Somalia ay dalka ka eryiso Diplumaasiyiinta Imaaraadka ka jooga Somalia oo ay u aqoonsadeen qaswadayaal.

Sidoo kale, waxa ay soo hadalqaaden in Imaaraadka carabta ay adeegsanayeen Siyaasiyiin caado qaatayaal ah kuwaa oo dano gaara ka leh dalka, waxaana meesha ka baxaaya mas’uuliyada wadaniyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka carabta ayaa tan iyo gurmadkii ay u sameeyen Somalia waday kala qeybinta dowlada iyo guud ahaan Siyaasada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com