Xog: Taliska AMISOM oo soo saaray amar lagu mamnuucayo galitaanka Xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho uu amar dhanka galitaanka ah kasoo saaray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray qoraal amar ah oo lagu mamnuucayo galitaanka Xarunta Xalane oo Saldhig u ah Diplumaasiyiinta iyo ciidamada Shisheeye.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale Saldhig u ah Safaradado badan oo ay leeyihiin dowlado Shisheeye, waxaana jira warar hoose oo muujinaaya cabsi dhanka amaanka ah.

Amarkan ayaa saameynaaya dhammaan Soomaalida u shaqa tagta Xarunta, Mas’uuliyiinta banaanka ka degan Xarunta iyo dhammaan ciidamada aan ka howlgalin Xalane.

Docda kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka danbeysay in si KMG ah loo mamnuuco galitaanka Xarunta Xalane.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com