Dowladda Imaaraadka oo ku dhawaaqday go’aan la xiriira Soomaaliya

Abu Dhabi (Caasimada Onlnie) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war ay soo dhigtay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM ku sheegtay iay joojisay barnaamijkii tababarka ciidamada Soomaaliya ee billowday sanaadii 2014.

Imaaraadka ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen kadibb markii ciidamada ammaanka Soomaaliya ay diyaarad laga leeyahay dalkaasi oo ay saarneyd lacag loogu talo galay ciidamada Soomaaliya qabsadeen.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi oo ku dhisan is ixtiraam, islamarkaana ciidamada Imaaraadka ayaa tababaro dhowr ah siiyey kumanaan ciidamo Soomaali ah, si loo dhiso awoodooda. Sidoo kale Imaaraadka ayaa bixinayey mushaarka 2407 ciidamo Soomaaali ah, waxayna dhiseen saddex xarumo tababar, isbitaal, waxayna direenn dhaqaatiir daweeya Soomaalida”

Dowladda Imaaraadka waxay sheegtay inay ka xun tahay dhacdadii Muqdisho ee lacagta looga qabsaday, oo ay sheegtay inay ka baxsan tahay dhaqamada dilomaasiyeed iyo xiriirka labada dal ee ku dhisan heshiisyada ay kala saxiixdeen.

Hadalka Imaaraadka ee ah inay joojiyeen tababarada ciidamada Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay horey ugu dhawaaqday inay joojisay tababaradaas, islamarkaana kala dirtay ciidamadii ay tababareen oo lagu kala daray ciidamada kale.