Imaaraatka Carabta oo ay kusoo baxday fadeexad la xiriira taageerida Al-Qacida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal ooge u dhashay dalka Yemen, islamarkaana mar dhaqaalo u ururin jira Al-Qaacidda, haddana ka tirsan kooxda Daacish, ayaa shaaca laga qaaday inay maal-geliyaan Imaaraadka Carabta.

Jariiradda Washington Post ayaa daaha ka qaaday arintaasi kadib markii ay baahisay wareysi ay ka qaaday Abu Al-Cabbaas oo helay dhaqaalo malaayiin dollar ah oo hub ay ku iibsadeen iyo taageeri dhaqaalo oo kaga imaanayay Imaaraatka carabta.

Imaaraatka Carabta ayaa ah isbaheysiyada ugu waaweyn ee Mareykanka marka loo eego bariga dhexe, waxaana ruuxa wareysigaasi bixiyay uu kamid ah mid ka mid ah ururada ugu waaweyn ee Mareykanka uu ku daray Liiska Argagixisada.

“Isbaheysa wali wuu i taageeraa” ayuu yiri Abu Al-Cabaas, laakiin wuxuu diiday inuu isaga kamid yahay argagixisada “Haddii xaqiiqdii aan argagixiso ahay, su’aal ayay isweydiin lahaayeen”ayuu yiri.

Arinta kiiska uu shaaciyay Abuu Al Cabaas ayaa daah rogaysa isbaheysiga qarsoon ee ka dhisan dalka Yemen, kaasi oo dhinacyada dhan u horseeday Afar sano oo dagaal ah, waxaa kale oo ka imaanaya su’aalo la xiriira doorka Imaaraatka ku leeyahay isku dhacyada dalka Yemen.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka oo kamid ah dalalka gacanta carabta ugu awooda badan ayaa ku lug lahaa ololaha meletariga ee dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015. Dagaalka Yemen ayaa sababay inay halis gasho nolosha caruur badan oo Yemeni ah iyo waalidiintooda, maadaama xaalado bini’aadanimo oo daran ay ka jiraan dalkaasi.

Axmed Faadhil Abuu Shureyma oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bayda ee dalka Yemen ayaa isaga oo ka hadlayay isbaheysiga Al Qaacida iyo Daacish ee ka dagaalama Yemen wuxuu su’aal ka keenay inay dhiiri gelin ka helaan Imaaraatka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com