Hanka ITOOBIYA weli waa halkiisii (ogow waxa socda)

Haddii waayo aan ku doodi jirnay lahaanshaha dhulalka Soomaaliyeed ee ay haystaan dowladaha Kenya iyo  itoobiya, hadda fogaanta dhuleed ee aan ka hadalnaa waa ay soo gaabatay, halkii aan u  hanqal taagi jirnay dib u soo celinta dhulalkaas , hadda waxa aan u  xafiiltannaa waa Maamul goboleedyo kamid ah labadii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ka sameysantay ka hor 55 sano.

Aragtideyda laba arrimood ayaa sabab u ah in aan maanta gobol gobol u yooyootano iyada oo weliba ciidanka haysta gobollo aan leenahayna uu illaalo naga hayo,

Labadaas arrimood middood waa qabyaaladda oo heshay saad iyo sahay federal la yiraahdo oo hadda u sameysmaya hab qolol-qolada qiimo u yeelaya, oo qabiilba ku soo koobaya qaybta uu deggan yahay.

Arrinta labaad ayaa ah dadka siyaasadda ee maanta na hoggaamiya oo ah hoggaamiyeyaal aad u han yar oo ku qanacsan in ay maamulaan oo madaxweynayaal u noqdaan 3 illaa 5 gobol oo kamid ah 18kii gobo lee jamhuuriyadda.

Maamulada dhismaya ee qorshuhu yahay in ay kamid noqdaan jamhuuriyadda 4aad ee federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah kan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee qaatay magaca GALMUDUG.

Maamulkaasi hadda waa uu dhismay qayb ahaan, balse qofka ku soo baxa hoggaanka maamulkaas waxa u yaal shaqo guri, taas oo sida uu uga soo baxo ay ku xiran tahay guusha goboladaas.

Si uu u hirgalo dhismaha maamulka goboladaasi waxa si nabad illaalin ah u tegey gobolka ciidanka Itoobiya, iyada oo tegiddoodii Degmada Cadaadana ay qaadatay muddo.

Haddii aad ogtahay ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolada dhexe waxa uu si dadban u hor istaagay tegitaankii ciidanka Jamhuuriyadda Jibuuti ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxa uu qorshuhu ahaa in ciidanka Djibouti ku  meleto goboladaas  howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya,  kadib markii ciidankaItoobiya ka biyo diiday in uu tago gobolka isaga oo fulinaya codsiga xukuumadda Soomaaliya.

Itoobiya oo illaashaneysa waxa ay u taqaan Aagga danaha itoobiya (Ethiopian interest zone) ayaa hadda si layaab leh ugu jowrfaleysa awoodda nabad illaalineed oo ku timid  ogolaanshaha dowladda Soomaaliya iyo go’aanka midowga Afrika ee caawinta dib u kabashada Soomaaliya.

Dhulka ay u taqaan Itoobiya Aagga danaha Itoobiya waa Gobolada xadduudka la leh dhulka Soomaali galbeed oo ay ku jiraan Mudug, Galgaduud, Hiiran, Bay iyo  Bakool.

Taariikhda marka aan dib u fiirino Meelo kamid ah goboladaas ayay itoobiya isku dayday in ay qabsato oo ka lusho calankeeda muddo hadda laga joogo 31 sano,

Sida ku qoran buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu qoray Ahun Gaashaanle sare  Claahi Yuusuf Axmed sanaddii 1984-tii xilligii uu billowga ahaa qaran-jabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Itoobiya oo ka faaiideysaneysa taageeradii ay siisay jabhaddii SSDF waxa ay Calankeeda surtay degmooyinka Balanbal iyo Galdogob kadib markii ciidankii XDS oo dagaal adag lagalay SSDF uu taagdareeyey taasina ay u fududysay Itoobiya in ay fuliso qorshaha qaybi oo xukunsi oo mararka qaarkood xoog la socdo.

Wasiirkii arrimaha dibadda  ee Itoobiya ee Xilligaas DR. Gaashaanle Sare Goshu Wolde waxa uu soosaaray Warsaxaafadeed lagu qoray af adag oo u muuqday jeesjees, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Balanballe iyo Galdogob ay kamid yihiin dhulka Itoobiya, balse ay furan tahay in laga wadahadlo iyada oo wadahadalkaasina ku kooban yahay halka ay xadduuddu ka noqoneyso degmooyinkaas.

War-saxaafadeedkii Goshe Walde ee qaybta ka  ahaa qorshaha dhul ballaarsiga ee Itoobiya qayb ahaan waa hirgalay oo Itoobiya waxa ay maanta qayb ka tahay awoodaha jaangooya   habka ay u dhismeyso Soomaaliyada cusub ee maanta, Goshu Wolde 32 sano kaddib ayuu ku noqday Itoobiya kaddib Isbeddelka ku dhacay xukunka Itoobiya

Dhammaan Gobolada xadka la leh dhulka Soomaali galbeed  ee ay haysato Itoobiya hadda waa meel ay Itoobiya isha ku hayso si ay uga dhabeyso dhambaalkii Wasiirkeedii arrimaha dibadda ee 31 sano kahor.

Tusaale degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa ka dhacay bilo ka hor dagaal u dhexeeyey ururka ASW iyo ciidanka gobolka ee Dowladda federaalka ah,

Illaa hadda waxa la ogyahay ayaa ah in rasaas ay leedahay Itoobiya loo adeegsaday dagaalkaas, taas oo aan la’aanteed dagaal socon Karin.

Wada-hadalkii dhexmaray Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka socday dhanka ASW iyo Sarreeye Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka socday dhanka Xukuumadda Soomaaliya waxa ka soo baxay  heshiis dhowr qodob ka kooban oo aan wax la sheegaa ka hirgelin.

Fulin la’aantii heshiiskaas waxa ay hordseedday in ASW oo ka careysan ka bixidda heshiiskaas ee dowladda Soomaaliya ay iyana dhankeeda ka baxdo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhigayey in qolo walba joogto oo ay ku sugnaato meesha ay maamusho, kaas oo ASW ku koobayey Guriceel, Ciidanka dowladda iyo maamula gobolkana farayey in ay joogaan Dhuusamareeb.

ASW waxa ay qabsatay Dhuusamareeb, iyada oo dibadda dhigtay ciidankii dowladda iyo maamulkii gobolka, taasina waxa ay dhacday iyada oo ciidanka Itoobiya ay joogaan Dhuusamareeb, waxa ay tallaabadaasi muujisay xiriir wada-shaqeynayd oo u dhexeeya ASW iyo hoggaanka ciidanka Itoobiye ee gobolka, balse Waxa aan maqlay in Itoobiyaanku sheegeen in aanay lahayn awood ay kula dagaalaan ASW mar haddii aan loo aqoon urur argagixiso ama mucaarad diiddan jiritaanka dolwadda Federaalka ah.

Itoobiya waxa ay maanta haysataa fursado ka fiican kuwii ay haysatay 31 sano kahor, fursadahaas waxa ugu weyn in xoogga dalka Soomaaliya uu ka baxay kaalintii uu uga jiray ciidanka  Waddamada Afrika, mar ayuu kamid noqday xoogga dalka Soomaaliya 4ta ciidan ee ugu tayo, tiro iyo tababar fiican Qaaradda Afrika.

Fursad kale ayaa ah in maanta uu hirgalay qorshihii Qaybi oo xukun oo ay dejisay xukuumaddii Mingistu Xayle Maryan, kaas oo ka billaabmay kala qaybintii jabhadihii SNM iyo SSDF oo ka mideysnaa duminta xukunkii ciidanka ee Sarreeye Gaas Jaalle Siyaad.

Hadda si walba xaaladdu waa ay uga duwan tahay sidii ay ahayd 31 sano kahor, xilligaas waxa ay  Soomaaliya  lahayd ciidan looga cabsado haweynta ciiddeeda, hayeeshee maanta ayaa ciidan u ah Gobolada dalka qaarkood.

Waxa aad u yaraa muwaadin Soomaali ah oo ku gacan siinaya dowlad kale in ay qabsato Ciidda Soomaaliya si dadban iyo si toos ahba.

Hadda Itoobiya waxa ay ka waddaa Gobolada dhexe qorshe la  la mid ah kii ay 31 sano ka hor ka wadday Balanballe iyo Galdogob, haddii ay beryahaas ku haysatay dalkeeda jabhado Soomaali ah oo  ku caawiya in ay dumiso qaranka Soomaaliya markan waxa ay  ku haystaa dalka gudihiisa, taas oo u fududeyn karta in ay qayb ahaan diiddo wixii aanay dooneyn ama ka weyso danteeda.

Ciidanka Itoobiya ee jooga Galgaduud waxa ay mas’uul ka yihiin shaqada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya taas oo ah la shaqeynta xoogga dalka Soomaaliya iyo ku caawinta Dowladda Soomaaliya dejinta dalka, balse dhaqanka daneysiga siyaasadeed ah ee ay Itoobiyo ka waddo Gobolada dalka qaarkood sida Galgaduud waxa uu u muuqdaa mid qayaxan oo aan dabool saarnayn.

Waa maxay sababtu?

Saddexdii xukuumadood ee is xigxigay ee soo maray dalka muddada uu xilka hayo madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay raadiyeen xal iyo hab ASW uga mid noqoto nidaamka dowladnimada ee dhismihiisu weli socdo, dadaaladaas waxaa ka dhashay ballan-qaadyo badan oo aan wax badani ka fulin, taas oo ASW ka lumisay kalsoonimada iyo aaminaadda dowladda, sidaas oo kale xukuumadihii is bedbedelayey waxa aanay ku guuleysan gaaridda xal kama dambeys ah oo  ASW uga mid noqoto xukuumadda.

Dhowr qof oo kamid ah ASW ayaan weydiiyey waxa ugu weyn ee ay doonayana in ay xaqiijiyaan si ay dowladda qayb uga mid noqdaan, waxa ii soo baxay oo keli ah in ay doonayaan dowlad la fariisato oo u garowda, kadiba howshii adkayd ee ay qabteen uga mahadcelisa.

Haddii madax kamid ah xukuumaddeenu ku fakareyso in ay ceeb ku tahay la hadlidda iyo la xaajoodka AS,  aan isweydiino ceebta ka weyn in wax war lagu dhammeyn karaa ay soo jidaan dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Itoobiya  fursad weyn oo aanay weligeed helin ayay u tahay in ay Somaliland si gaar ah ula xiriiri karto, Puntland sidaas oo kale, Gobolada hadda dhismaya sida Galmudug, Jubbalan iyo Koofur-Galbeedna iyada ayaaba u ah illaalo, haddii loo baahdana waxa ay xiriir dhow la leedahay madaxda maamusha.

Aan isweydiino marka waxa u dhimman oo ay gaari lahayd, Waxa ii muuqata in Itoobiya haysato haddii wax ka badan intii ay ku hammineysay.

Gorgortanka muuqda ee aanay jirin cid kula jirta ayay ku geleysaa taageero aan bannaanka ool oo ay siiso xoog la jaal ah oo jooga Gobolada dhexe.

Shumaca la shido iyo feynuustu waa ay gubanayaan balse cid kale ayaa ka faaiideysaneysa sidaa ayaan maanta u muuqanaa badankeenu,

Haddii aad isleedahay Itoobiya waxa ay u joogtaa Gobolada dhexe iyo guud ahaanba dalka in ay taageerto dad iyo dowlad Soomaaliyeed malahaas gabalkiisu wuu dhacay hankii Itoobiyana Waa halkiisii haddiiba ay heleyso fursad ay dhulka oo dhan ku qaadatana muddo dheer ayay dadkeeda siyaasaddu ku fakarayeen sidii ay dhammaantiis u dhaxal wareejin lahaayeen.

Yooyootanka aan macnaha lahayn ee u dhexeeye Galmudugta cusub iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waa ceeb iyo dadnimo xumo soo muuqata, sidaas awgeed inta aad isku raacsan tihiin kuwada socda, inta aad isku haysaan ayay taasi ka badan tahay.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo mar noqday Wasiirka Koowaad ee dowladihii soo maray dalku waxa uu ku barbaaray waxna ku bartay Dhuusamareeb, sidaa awgeed si qabka qabyaaladdu u jabo waxa laga filayaa in uu soo dhaafo Puntlan oo yimaado Galgaduud iyo Mudug, haddii ay wax dhisanayaan waxa ay qayb ka noqon kartaa in nabadgelyada Puntland hagaagto, isaga oo dhanka fiican ka eegaya gar iyo daw ayay maanta ku tahay in uu gacan qabto maamul Soomaaliyeed oo dhismaya,

Haddii aad tihiin siyaasiyiin ogaada Waxa aad awood leedihiin inta aad xukunka joogtaan, ee uga faaiideysta in aad awood yeelataan idinka oo ka dhaadhacay xilka ama dhulka ka hooseeya, taasna waxaa sababi kara in aad ka tagtaan magac iyo  Waxtar ummadeed, Ogaadana Hankii Itoobiya Weli Waa halkiisii.

WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa Sharciga & Qaanuunka