IMF oo digniin culus u gudbisay DF – Maxay wajaheysaa Soomaaliya?

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Isniintii soo cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in maal-gelinta Soomaaliya la jari dooni haddii dowladda Soomaaliya ay sii waddo in dib loo dhigi doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib u dhacay in ka badan, waxaana 26-kii Febraayo ay Golaha Wadatashiga Qaran waqti cusub u qabteen dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtigaas oo ah 15-ka Maarso.

“Xal waqtiyeysan oo loo helo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo soo geba-gebeeyo doorashada waxay muhiim u tahay in la weeciyo hakad ku yimaada barnaamijka ay taageerto IMF,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri IMF kadib wada-hadallo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku dhacay hab fogaan arag ah.

Barnaamijka IMF ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, waxaana jirta cabsi ah in kahor xilligaas aanay Soomaaliya heli doonin maamul cusub oo taageera isbeddelada la qorsheeyey.

Muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhacay bishii Febraayo ee 2021, hase yeeshee doorashooyinkii ayaa dib u dhacay kadib markii uu isku dayey muddo kororsi fashilmay.

Hay’adda fadhigeedu yahay Washington ayaa bishii Maarso 2020 ku dhowaaqday dayn ka qafiifin loo sameynayo Soomaaliya, ayada oo loo marayo barnaamijka dalalka saboolka ah ee dayntu la degtay ee loo yaqaan HIPC, taasi oo deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan oo dollar kusoo koobeysa kaliya 557 milyan oo dollar, marka lasoo afjaro isbddelada.

Waxay sidoo kale IMF xilligaas ansixisay xirmo dhaqaale oo saddex sano ah oo ka kooban 395.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya.

Hase yeeshee, haddii aan la helin maamul cusub oo qeyb ka noqda dib u eegista lagu sameynayo horumarka isbeddelada dhaqaale ee dalka, dhammaan qorshayaashaas ayaa daaqadda ka bixin doono, ayey ka digtay INMF.

“Si barnaamijkan usii socdo, shaqaalaha IMF ayaa xaqiijin doona sida mas’uuliyiinta Soomaalida uga go’an tahay isbeddelada marka la doorto madaxweyne cusub,” ayey tiri IMF.

IMF ayaa sheegtay in dhaqalaha Soomaaliya la filayo inuu sanadka 2022 kobco 3.2 boqlkiiba.