Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay madaxtooyada Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) –  Dagaal culus oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo la doonayo in lagu qabto doorashada kuraas kale oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Dagaalka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada (Lama Galaay), halkaasi oo ay dagan yahiin Madaxda ugu sarreeya Maamulka HirShabeellle, sidoo kalana ay hadda ku sugan yihiin inta badan musharixiinta u taagan kuraasta 11-ka ah ee weli taalla Magaaladaas.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta keentay is rasaaseynta ka dhacday Beledweyne, waxayna goobjoogayaal qaar u xaqiijiyeen Caasimada Online inuu dagaalka ka dhashay kala shaki soo kala dhex galay ilaalada musharixiinta ku sugan madaxtooyada iyo ciidamada dowladda.

Warar kale ayaa iyagana sheegaya inuu dagaalka u dhaxeeyey ciidamada Ammaanka ee ku sugan Beledweyne iyo maleeshiyo beeleed ka careeysan in shaqsi loo xiro kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).

Maleeshiyaadka Ciidamada Ammaanka kula dagaalamay magaalada Beledweyne ayaa xalay soo galay gudaha Magaalada, iyaga oo Warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen in ay dagaal ka xigaan in kursiga HOP#010 qof loo xiro.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen laba qof oo mid shacab yahay iyo hal askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo la geeyay dhaawacooda Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la kala dhex galay ciidamada dagaalamay, islamarkaana ay hadda xaaladda tahay mid dagan.

Waxaa halka uu dagaalka ka dhacay shir uga socdaa madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo musharixiinta u taagan kuraasta 11-ka ah ee ku harsan magaalada Beledweyne.

Xog aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in lagu heshiiyey inaan kuraasta la xirin, islamarkaasa ay musharixiinta u tartamaan si siman oo caddaalad ah.