Muxuu Goodax Barre ka yiri khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi.

“Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray  “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo  haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15-ka March.