Kooxda Farmaajo oo laba magaalo ka wadda qalalaase dib u dhigi kara doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa oo uu kamid yahay La-taliyihiisa Fahad Yaasiin ayaa maalmihii dambe qalaalase doorasho ka bilaabay magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Labadaan magaalo oo ah deegaan doorashada 2-aad ee maamulada Jubbaland iyo HirShabelle ayaa waxaa xiligaan ka taagan xiisad adag, ayada oo hakad ku jirto doorashadii kuraastii taalay labadaas deegaan, midaasi oo horseed u tahay xulafada Farmaajo-Fahad.

Maamulka Garbahaarey ee taabacsan Villa Somalia ayaa gebi ahaanba diiday in halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay qiimeynta Garbahaarey.

Go’aanka loogu diiday guddiga inay ka dagaan Garbahaarey ayaa waxaa ka dambeeya xulafada Farmaajo-Fahada oo rabta inay siday rabto u maamulato kuraasta halkaas taalla.

Sidoo kale, magaalada Beledweyne ayaa waxaa la hakiyay doorashada 11 kursi oo ku harsanaa, kadib markii uu khilaaf hanaanka doorashada uu ka dhex qarxay madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana wehlisa xiisad amni oo ka taagan magaaladaas.

Xogaha laga helayo arrintaan ayaa sheegaya in Yuusuf Dabageed uu si weyn ugu xiran yahay Farmaajo iyo Fahad, islamarkaana uu doonayo in uu inta badan kuraasta loo xiro xubnaha ay wataan, sida hore u dhacday, taasi oo lasoo warinayo in uu ka horyimid Cali Guudlaawe.

Xiisada Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay isku badasho dagaal, haddii la isku dayo in la boobo kuraasta sida adag la isugu hayo, maadama ay halkaas ku sugan yihiin Musharaxiin aad uga soo horjeeda oo qaarkood ay hubeysan yihiin.

Si kastaba, Damaca xulafada Farmaajo-Fahad ayaa u muuqda mid markale doorashada ku keenaya dib-u-dhac kale, maadama qalaalase doorasho ka wadaan labada maamul ee kuraasta u badan weli ku dhiman yihiin.