IMF oo soo gabagabeysay qiimeyn ay waday oo la xiriirta SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin cusub soo saartay ayaa soo gabagabeysa qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

IMF ayaa warbixiteeda ku sheegtay inay soo dhammaatay qiimeyntii ay ku sameysay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa sidoo kale ku boggaadisay dowladda federaalka dadaalkeeda ku aadan xoojinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, wada-shaqeynta kala dhexeysa deeq-bixiyeyaasha iyo hay’addaha kale ee caalamka.

Guddiga sare ee IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa sidioo kale sheegay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay  in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, maamulka Guud ee maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya  Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo isna qoraal kooban soo saaray ayaa ka falceliyay warbixinta IMF.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo warbixinta ka soo baxday hguddiga sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, isaga oo shaaciyay inay ku dhiiragelineyso in ka dowlad ahaan ay xoojiyaan arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta dalka.

” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud.

Si kastaba dowladda federaalka ayaa sanadihii u dambeeyey waqti badan gelisay barnaamijka deyn cafinta, oo dhammeystirkiisa muhiim u ah dalka, si loo helo maalgashi caalami ah.