Imisa dowladood ayaa fangareeneysa Doorashada maamulka Somaliland (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online)-Dhaqdhaqaaq lagu dardar galinaayo doorashada maamulka Somaliland ayaa waxa uu si xooli ah uga socdaa magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee hoostaga maamulka.

Dhaqdhaqaaqa socda ayaa waxaa si wada jira u wada Guddiga maamulka u qaabilsan doorashada iyo Xubno la sheegay inay yihiin dulmeerayaal u kuurgalaaya howlaha doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in heer gabagabo ay mareyso howlaha doorashooyinka maamulka, isla markaana ay ka harsan tahay muddo kooban.

Saciid Cali Muuse, oo ah Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland ayaa sheegay in magaalada Hargeysa lasoo gaarsiiyay dhammaan qalabka loogu tallo galay doorashooyinka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qalabkani oo warqadaha codaynta iyo foomamka ay ka mid yihiin lagu bilaabay diyaarin maadaama aanu fogeyn xiliga doorashada.

Waxa uu intaa ku daray in ay sugi doonaan ammaanka qalabka doorashada isla markana ay wax waliba hubiyeen.

Maamulka Somaliland ayaa waxaa doorashada ka taageeraya dowladaha Britain, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Ethiopia oo uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Geesta kale, waxaa soo baxaaya dhaliilo laga muujinaayo hanaanka ay ku socto diyaarinta doorashada waxaana cabashooyinka ugu badan qaba Xisbiyada mucaaradka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com