Sawirro: Kheyre oo shaaciyay cadadka dhaqaale oo ay XFS ku taageereyso Guddiga Taakuleynta CQS

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay barnaamij ay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida kusoo bandhigayeen waxii u qabsoomay.
Guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxweyne JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horay u qaaday talaabo dhiirigalineysa ciidamada Qalabka sida.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Somalia ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Barnaamijka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.