Xildhibaanada M/Galmudug oo weerar ku qaaday Hogaamiyaha Jubbaland

 Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda shirka madaxda maamul Goboleedyada kaa oo looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay khilaafka khaliijka.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa dirba dhaliil ka muujiyay Xildhibaanadii dhawaan sheegay in xilka ay ka qaadeen Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ”Xaaf”.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid uu Axmed Madoobe ku duminayo Qaranimada Somalia sidoo kalena lagu fara geliyay arrimaha Galmudug.

Waxa ay sheegen in arrin khalad ah ay tahay in Xaaf lagu marti galiyo shirka Kismaayo, waxa ayna carab dhabeen in xildhibaanada Galmudug ay si sharci ah xilka uga qaadeen.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xadgudbay xorinimada Galmudug, waxa uuna is weydiiyay sababta ka danbeysay in Jubbaland ay marti galisay Xaaf oo la sheegay inay xilka ka qaaden.

Ciyow wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu si cad ugu tuntay sharciga Galmudug balse ay la xisaabtami doonaan maalin dhow.

Wuxuuna sheegay in ay u dareensan yihiin in uu ku xad gudbay sharciga iyo madax banaanida maamulka Galmudug.

Geesta kale, xildhibaan Ciyow ayaa bulshada Galmudug ugu baaqay in si buuxda ay uga soo horjeesteen shirka Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com