Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xabsi guri la dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Aadan Macalin.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay inay xabsi guri dhigeen ciidamo daacad u ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf oo ka howlgalaayay Madaxtooyada maamulka.
Xabsi guriga la dhigay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaaden Hoagaamiye Xaaf.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah.
Xildhibaan Axmed Yuusuf Cige oo ka mid ah Xildhibaanada kasoo horjeeda Xaaf oo la hadlay Idaacada risaala ayaa sheegay in magaalada uusan ka bixi karin Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug isla markaana ay ku hareereysan yihiin ciidamo.
Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo lid ku ah Hogaamiyaha maamulka, maadaama lagu xadgudbaayo madaxda.
Geesta kale, Xaaf ayuu ugu baaqay inuu ka waantoobo xadgudubyada uu kula kacaayo mas’uuliyiinta ka kala tirsan labada Gole.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com