Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii tagtay ee September 2017 magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro loo adeegsaday Gaadiid raaxo oo ay la socdeen Kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud.
Weeraradan ayaa waxaa lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlada, halka qaarna ay ka baxsadeen shirqoolkii lala damacsanaa.
Weerarada loo adeegsaday Gaadiidka ee dhacay bishii Septembar ayaa gaaraya 5 weerar oo dhacay xiliyada kala ah:
1-September 5, 2017, 2017, Waxaa degmada Hodan ee Gobolka Banaadir lagu weeraray Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana weerarka ku dhaawacmay Gabar uu adeer u yahay Xildhibaanka iyo ruux kale.
2-September 9, 2017, 2017, Kooxo hubeysnaa oo la socday gaari noociisa lagu sheegay NOAH ayaa weerar ku qaaday gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Xaafada Dabakaayo madow waxaana ku dhintay darawalka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, halka uu hal askari dhaawac kasoo gaaray.
3-September 10 2017, Kooxo hubeysnaa oo watay Gaari nooca loo yaqaan NOAH ayaa xaafadda Ceeldheere ee Degmada Dharkiinley ku weeraray gaari qooqan ah, waxaana weerarka ku geeriyooday Hal ruux, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
4-September 17, 2017, Kooxo hubeysnaa oo watay Gaari NOAH ah ayaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda Maxamuud Qooley iyo askar la socotay kadib markii gaarigiisa lagu hor jaray Gaari kale.
5-September 27 2017, Kooxo hubeysnaa oo watay Gaari nooca raaxada ah ayaa magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay gaari, waxaana toogasho lagu dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Xaashi Xirse oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Weerarada dhacay bishii September ayaa ka badan kuwii hore waxaana xusid mudan inay jiraan kuwo kale oo fashilmay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com