Xaaf “Milateriga iyo Nabadsugida ayaa la isoo adeegsaday inay isoo qabtaan balse…”

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inuu ka badbaaday qorshe Dowladda Federalka Somaliya ay isku dayday oo ku aadan in gacanta lagu soo dhigo.

Axmed Ducaalle Geelle ayaa sheegay Dowladda inay u soo dirtay ciidan isugu jira Nabad Suggid iyo Militari oo lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan Madaxweynaha Galmudug, balse arintaasi uu iska difaacay.

“Ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida ayaa la isoo adeegsaday inay isoo qabtaan, laakiin waa ka badbaaday inqilaab dhicisoobay ayuu ahaa, waana nasiib darro”ayuu yiri Axmed Xaaf

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamuladii la dhisay in la dumiyo, isla markaana la carqaladeeyo, isagoo ku baaqay in wixii dan u ah shacabka laga shaqeeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Federalka aad iyo aadbaan uga xumahay inaan meel damqana ma rabo Xoogaa meesha agteyda wixii ka dhacay, Militariga Iyo Nabad Suggida ayaa la iisoo diray oo soo qabta la yiri Inqilaab cusub, laakiin waa ka badbaaday cid kasta masuul haka ahaato hebelbaa masuul ka ah oran mayo, laakiin waxaa nasiibdaro ah waxyar oo dhisan in la dhaho Ciidankii Xoogga iyo Nabad Suggida soo qabta, aadbey u nasiibdaran tahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Axmed Ducaalle ayaa sheegay marxaladda Somaliya hadda la joogo in loo baahan yahay ka fekerida horay u socodka Somaliya, balse aanan loo baahneyn in laga fekero sidii loo dumin lahaa Maamulada dhisan.

Mr Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay ka shaqeyso xasiloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.

Shirka Kismaayo uga socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com