Imisa Garsoore oo Caalami ah ayey Soomaaliya Xiriirka FiFA ku leedahay

Dagaaladii  sokeeye ee Dalka Soomaaliye ka curtay  Bilowgii Sagaashamaadkii, waxa ay sababeen in ay bur buraan inta Badan Adeegyadii Bulshada u baahneed iyo Kabaayashii  Dhaqaalaha, Amniga, Caafimaadka, Fanka iyo Adeegyadii Bulshada iyo wixii la Halmaalaba.

Balse Ciyaaraha gaar ahaan K/Cagta ayaad moodaa in ay wax xoogaa Muuqatay oo ay sameesay Dadaal badan, Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo Kaashanaya Kan Olympikada ee GOS  ayaa ku guuleestay in ay Calanka Soomaaliya geeyaan Daafaha Caalamka sidoo kale waxa ay ku Guuleesteen in ay Tababare iyo Aqoonsi Caalami ah u helaan Tiro Garsoorayaal K/Cagta ah, kuwaasi oo Maanta ku jira Liiska Garsoorayaasha Caalamiga ee FIFA.

Sagaal Garsoore oo Isugu jira 3 Garsoore oo ciyaaraha dhex dhexaadiya iyo 6 Kalkaaliye (Calanwade) ayaa Waxa ay ka Diiwaan Gashan yihiin Xiriirka K/Cagta ee Aduunka ee Marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (FIFA).
Garsooryaasha Soomaalida, ayaa Haatan waxa ay dhex dhexaadiyaan ama ay qabtaan Ciyaaro Caalami ah Gaar ahaan Kuwa Qaarada Afrika.

Hoos ka aqriso Magacyada Garsoorayaasha Soomaaliya ee Caalamiga ah ee  u Diiwaangashan Xiriirka FIFA.

Garsoore Sanadka Dhalashada Sanadka uu Garsoore  Caalami Noqday
MOHAMED ABDULLE Nur 1976 2010
OLAD ARAB Bashir 1974 2004
WIISH Hagi Yabarow 1978 2011
Calanwade Sanadka Dhalashada Sanadka uu Garsoore Caalami Noqday
ABDI OMAR Abdirahman 1983 2010
HASSAN FIDO Mohamed 1978 2004
NUR AHMED Aweis 1982 2011
OMAR ABUKAR Salah 1975 2001
SHIRE HAYDAR Bashir 1969 1998
YUSUF Mukhtar Moallim 1983 2012

 

 

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Switzerland