Jowhar oo saaka loo jiheystay iyo wararkii ugu dambeeyay weerarka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Amisom ayaa saakay mar kale u dhaqaaqay degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Guutadii koowaad ee Ciidamada saakay dhanka Jowhar qabtay ayaa waxaa ay ka talabeen deegaanka  Qalimow iyagoo ku soo dhow dhow deegaanada Boorow iyo Garsaale ee duleedka degmada Jowhar.

Ciidamada ayaa qaabka lugta ku baxay saakay maadama roobaab ay biyo dhigeen waddooyinka laga galo degmada jowhar .

Taliyaha Ciidamada dowlada Cornel Sanay oo aan wax ka waydiinay inay la wareegayaan Jowhar iyo in kale ayaa ka gaabsaday oo waxaa uu sheegay inay tahay howl gal Militeri.

Dad arkay Saakay Ciidamada Amisom iyo dowlada ayaa warbaahinta u xaqiijay  jiritaanka weerarkan, wallow ay dhaci karto in ciidamada ay dib u soo laabtaan sababo Roobab wadooyinka biyo dhigay dhulkana uu yahay dhoobey oo ma gali karaan gawaari.

Xiisad cabsi ayaa ka tagaan Jowhar maanta laakiin waxaa Shaqaynaya goobaha ganacsiga .