Imtixaanka mideysan: Xarig-jiidka Wasaradda Waxbarashada Soomaliya iyo “Dalladaha”

Qormadii: Abdinur Ali Farah

Kala xirir: a22farah@yahoo.ca

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Somalia waxa iskuulaadkii dowladda la wareegay dad shacab oo ka dhigtay iskoolo gaar loo leyahay.

Dowladdana ku ma laha wax kontrool ah , haddi ay ahaan lahayd ilaalinta tayada waxbarahada , tayada macalliinta ,dejinta Manhajka waxbarasho, qaabka imtixaanaadka loo qaado ama shahaada dugsiga sare lagu bixiyo.

Imtixaanka kama dambaysta ee qalin jebinta waa mid uu macallinka soo diyaariyo , isla macallinka qaado isla macallinka soo saxo , natijadana usoo gudbiyo iskuulka. Imtixaan qaadista noocaan ah waxay keentay in waxbarashada waddanka guud ahaan hoos udhac ballaran ku timaado sababo dhowr ah dartood.

  1. Dhib iyo dhallil ka timid xagga macallimiinta
  • Macallimiinta uma fuliyaan manhajka sidii loogu talagalay oo qaybo ayey ka tagaan.
  • Waxa dhacda in macallimiinta ay u sii sheegaan ardaydooda su’alaha imtixaanka ka imaanayo , iyo ardayda oo fasax loo siyo inay qishaan imtixaanka. Sidaas daraaded ardayda iskuma howlaan in ay aad wax u bartaan
  1. Dhaliisha Milkiilayaasha dugsiyada
  • Madaama aysan jirin haya’do dowli ah oo kormeera oo kula xisaabtama tayada waxbarasho ee ardayda , milkiilayasha iyo maamulka iskoolaadka muhimadooda kowaad waa sidii ay macaash badan ku heli lahaayeen
  • Milkiilayaasha iskoolada ma kontroolaan in macallimiinta si fiican casharada u soo diyariyaan iyo in ay sidii la rabay wax ugu dhigaan ardyda.
  • Macallimiintana waxay u badan yihiin dad qaraabonimo lagu keenay ee ma aha macallimiin lagu so xulay aqoon iyo takhasus
  1. Dhaliisha ka timaada ardayda
  • Ardayda wax ka barata gobollada koofureed, gaar ahaan Gobolka Banaadir waxay marar badan la kulmeen hakad ku yimid waxbarashada sababo dagaallo soo noq-noqday oo sababay barakac, dhaawac ama dhimasho ku timid ardayda qaar iyo qoosaskoda , iyo kala xirnaasho waddoyinka oo dhacdo marar badan oo ardayda iskoolka tegi Karin sida marka qaraxyo dhacaan ama madax dhoofayso ama soo degayso.
  • Hoos u dhac waxbarasho oo aad u baahsan ayaa ka jirta iskoolaadkan gaarka loo leeyahay, haddii ay ahaan lahayd, ardayda oo aad ugu liidata luuqada wax lagu barto ee Englishka,Carabiga iyo xisaabta
  • Ardayda aadka uga hooseeysa fasalkooda oo aan la isku dayeeynin in sare loo soo qaado oo iska dhex fadhida fasalada oo lacag un laga qaado hadhowna shahaado la iska siyo ay ku tagaan Jaamacado Macmal ah oo aad waddanka ugu batay oo ayagina ka iibaya ardayda noocaas ah shihaado jaamacaded oo aan waxba dhaamin tan Bakaaraha lagu iibiyo.

Isku dayga Wasaarada Waxbarashada ee ku aadan in ay qaaddo imtixaan midaysan oo wasaradda diyaarisay, wasaraddana maamulayso soona saxayso oo natijada soo bandhigayso, waxa si weyn uga hor yimid milkiilayaasha iskoolaadkan gaarka loo leeyahay oo adeegsanaya magaca “ Dallado” shafka garaacayo.

Sababta ka dambaysa diidmada Milkiilayasha waa iska caddahay. Imtixaanka midaysan wuxu leeyahay “abaal marin iyo ciqaab”. Waxay wadnaha farta uga hayaan ciqaabta lama huraanka ah haddii ardaydooda galaan imtixaanka mideysan.

Imtixaanka midaysan natiijadiisa marka la soo bandhigo waxa la wada arki doonaa ceeb hadda qarsoon oo ah in dugsiyada badankood ardaydooda ay la imaan waayaan natiijo fiican oo aad uga hoosaysa ardayda dugsiyada qaar oo ardaydooda waxbarashadooda ku soo dadaalay natiijo fiicana gareen. Taas waxay keeni kartaa in iskoolaadkan ardaydooda ku fashilan tay imtixaanka ay waalidiinta kala baxaan caruutoda. Sidaasna ay ku xirmaan iskoolaad badan.

Sida ka jirta waddamada ardaydooda u fariistaan imtixaanka mideysan ee qalin jebinta dugsiyada sare, ardayda keenta A ayaa la siyaa mudnanta marka la bixinayo deeq waxbarasho ama shaqaale dowlo marka la qoraayo.

Kala fadli yeelida ardayda natiijada fiican iyo kuwa natiijada hooseysa ayaa waxay abuuraysaa tartan lagu tartamo sidii ardayda ay waxbarashada aad ugu dadaalaan, Iskooladana ku tartamaan in ay soo saran arday aad wax u baratay.

Sidaas ayaana waxbarashada waddanka guud ahaan sare loogu qaadi karaa.

Abdinur Ali Farah

waa khabiir waxbarashada isla markaasna ah mamulaha dugsiga sare EASTERN CANADA HIGH SCHOOL , TORONTO, CANADA oo hadda ku sugan Muqdisho.