Danjire AMERIKA oo kullan la qaatay Jaaliyadda Soomalida ee reer Oslo, Norway (Sawiro + Video)

Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa  maanta  kulan  kula qaatay Soomaalida degta Magaalada Oslo, Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway

Danjire Mohamed Cali Ameerika ayaa  ah qof si  weyn  Soomaalida  u jeceshahay markii ay timaado  qof oo shaqadiisa kasoo baxo taasoo ah mid  aad ugu yar   madaxda Wadanka Soomaaliya soo martay  dhawaanihii ugu danbeeyay illaa hadda,  wallaw ay jirta  dabeecada/siyaasada ah in qofka marka uu shaqadiisa kasoo baxo laga wareejiyo goobtaas amaba loo dhiibo qof aan  khibrad dheeraad lahay oo ay ku qaadan karto ilaa muddo sannado ah in uu la qabsado qaabka shaqada/Systemka.

Waxaa  xusid mudan  Wasiiradii waxbarasha  oo barnaamij ay bilawday   laga tuuray, kadibna meesha looga tagay qarshihii  ay  damac sanayd, kumasoo koobi karno halkan  dadka  hawl shaqo  ama xil u qabtay Bulshada Soomaaliyeed hadana  kasoo  baxay xilkii ugu yaraan  60 %.

Kulankan ayaa    kasoo  galeen dad gaaraya  illaa boqolaal maadaama   lagu eedeeyay   qabanqaabiyaasha  oo aan  dhambaalkii sidii la  doonayay u gaarsiin sababo farsamo awgeed, laakiin   waa  wax la fahmi karo marka ay timaado  waqti gaaban  oo dadka  deegaanka Oslo lagu gaarsiiyay.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA XAFLADA OO DHAN:

dnnjie

Xaquuqda Warka & Sawirrada Nuxur