Shuuriye oo si aan caadi aheyn uga hadlay guul darada ku dhacday baarlamanka Jubaland (Aqri)!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo iminka ku sugan Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa si adag uga hadlay go’aanka BF Somalia ay waxkama jiraan uga dhigeen Mooshinkii hirgalay ee laga keenay Baarlamaanka Jubba.

Mooshinka hirgalay ayuu Xildhibaanku ku tilmaamay mid sharci darro ah islamarkaana aan waxba u dhimi doonin horumarka Maamulka Jubaland.

Waxa uu sheegay in Mooshinkaasi uu ahaa mid ay ka dambeysay maskax fog oo aan kamid aheyn BF Somalia, balse uu yahay mid gadaal laga riixaayay.

‘’Ahmiyadu maaha in mooshin uu hirgalo balse waxa ay muhiimadu tahay in go’aankaasi uu shaqeeyo waxaa su’aal ah mooshinkaasi ma saameyn doona Jubba, ma filaayo waayo Maamulka waa uu isku filan yahay mana saameyn doono go’aanka lagu laalay Baarlamaanla’’

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ‘’ Tallaabada baarlamaanku waa hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho waana mid xaaran ah oo aan haba yaraatee waxba u dhimi doonin Jubba”

DF iyo Gudoonka sare ee BF ayuu ku eedeeyay inay ka gaabinayaan mas’uuliyada ka saaran aayaha Somalia waxa uuna sheegay in Xildhibaanada keenay Mooshinka ay kasoo horjeedan horumarka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaadan talaabooyin hor leh oo lidi ku ah DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com