Wasaaradda arimaha gudaha DF oo ka jawaabtay go’aanka BF ee ka dhanka ahaa Jubbaland (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) –Iyadoo shalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay go’aan cad ka qaateen mooshinkii ka yaalay Jubbaland ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wasiiro dowlaha arimaha Gudaha,

C/rashiid Maxamed Xidig wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka  go’aanka looga qaatay mooshinkii Jubbaland.

Wuxuu cadaalad daro ku tilmaamay in xildhibaano ka maqnaa golaha barlamaanka Soomaaliya lagu darsaday tirada kooramka baarlamaanka ku furmay.

C/rashiid Maxamed Xidig ayaa horay u dhaliilsanaa mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen qaab dhismeedka baarlamaanka Jubbaland.

Xidig ayaa kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka, wuxuuna kamid yahay dadka u ololeynayay in la joojiyo mooshinka xildhibaanada qaarkood ka gudbiyeen Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com