DF Soomaaliya oo isha ka daawaneysa go’aanka liiditaanka ah ee dowladda KENYA ay qaadatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa si cad u sheegtay iney joojisay duulimaadyadii ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana loo sababeeyay safarka Obama bisha July uu ku tagayo magaalada Nairobi.

Ma jirto sabab cad oo loo joojin karo duulimaadyada ka imaanaya dal kale, laakiin waxay ku dacwoonayaan saraakiisha Kenya in sababo dhanka amaanka loo joojiyay duulimaadyadii ka imaan jiray Muqdisho ee tagayay Kenya.

Laakiin dowlada Kenya ma aysan joojin diyaaradaha qaadka kasoo qaada magaalada Nairobi ee keenaya magaalada Muqdisho sabab la xiriirta Kenya Qaadka waxaa kasoo gala dhaqaalaha ugu badan.

Dowlada Soomaaliya ayaa indhaha ka daawaneyso go’aanka dowlada Kenya iyo dhibaatada ay ka wado dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin kala duwan mararka qaar kala kulma dalal Kenya ay kamid tahay.

Horey Kenya waxay u joojisay shirkadihii Xawaaladaha, iyadoo si xoog ah kusoo celisay qaxootigii ku sugnaa xaafadaha magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com