Aasiya: “Dalka Soomaaliya waxa uu u baahan yahay jiil cusub sida Maaxi & raga la midka ah”

Waxaan aad u jecleeysatay inaan idiin soo bandhigo aqoonyahan soomaaliyeed oo leh xirfad siyaasadeed oo aan anigu shaqsiyan aaminsanahay hadii Siyaasada Soomaaliyeed loo tartami lahaa inuu ku guuleeysan lahaa sidoo kalena wadanka u horseedi lahaa hurumar, nabad galyo iyo midnimo.

Hadaba waa kuma Yaasiin Maaxi Macalin oo runtii muujiyey inuu yahay Siyaasiyiinta mustaqbalka aay shacbiga Soomaaliyeed doonayaan.Waxaan rabaa inaan Yaasiin Maaxi ku muujijo sawiro iyo qoraaal ahaan kartidiisa iyo xirfadiisa siyaasadeed.

Qof ka tagay dal ku yaalla Geeska Afrika, marka loo fiiriyo Sweden waa meel aad u qabow, Yaasiin wuxuu Sweden ka helay fursado badan oo uu noloshiisa ku maareeyey, iyada oo uu  ku dadaalay inuu kor u qaado xirfaddiisa hoggaamineed si uu horumar u tiigsado. Mudane Yaasiin Maaxi, oo markiisii hore ka tagay dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho magaalada madaxda dalka Soomaaliya maanta waxa uu sameynayaa Taariikh. Yaasiin Waa xubin  Golaha baarlamaanka gobolka Sormland ee dalka Sweden ee uu hada ka tirsan yahay, sidoo kalena wuxuu ahaa Sarkaal Boolis ah mudo laba sanadood. Mudane Maaxi 2004tii waxa uu aasaasay Xisbiga Midnimada Bulashada Soomaaliyeed, ee uu Guddoomiye ka yahay.

Mudane Maaxi isagoo ka baxay Macadka luqadaha ee Sweden, ayuu wuxuu macalin ka ahaa mudo aad u fog iskuulo kala duwan oo ku kala yaala Gobolka Sodermanland, wuxuuna dhigi jiray  madooyinka Cilmiga Siyaasadda, iyo Arrimaha Bulshda.  Waa Hogaamiye dhallinyar ah oo laga shaqaaleysiiyay Ciidanka Booliska ee Gobolka Sodermanlnad. Yaasiin waxa uu aamin- san yahay in wixii la haweysto, dadaalna lagu daro in la gaari karo hadduu Alle Idmo. Waana dhaqanka uu leeyahay in aad iyo aad loo dadaalo si loo gaaro himilada la tiigsanayo.

Yaasiin Maaxi Macalin waa shaqsi xanbaarsan himilliyooyin iyo argtiyo badan, oo wanaag iyo waxtar badan u leh, oo ku salaysan dadkiisa iyo dalkiisa haddii laga rumayn lahaana ay ummadda Soomaliyeed gali lahayeen qarni barwaaqo sooran ah. Waa shaqsi ku wanaagsan diinta iyo akhlaaqiyaadka islaamiga ahba, oo ixtiraam badan u muujiya bulashada ku xeeran. Waa aabbe wanaagsan iyo saaxiib wanagsan waa siyaasi aqoon yahan ah kana fikir toosan had iyo jeer siyaasiyiinta lamid ka ah, kana fekera danta caamka ah in badan ka horreysiiya tiisa shakhsiga ah.

Qof kasta waxa uu haweysto aakhirkii waa u gaaraa, waxaase ugu nasiib wacan qofka leh Hami Sare. Mudane Yaasiin Maaxi waa shaqsi leh Hammi aad u Sarreeya, ilaa haddane waxa uu ku sii jiraa wadadii uu ku sii gaari lahaa halka uu tiigsanaayo isaga oo gaaray guulo wax ku ool ah ilaa hadda oo la taaban karo. Waa shaqsi jecel in dadka wax taro, qof kastana waxa uu la jecel yahay in uu gaaro waxa uu isaga naftiisa la jecel yahay oo kale.

”Si loo helo Hogaan nadiif ah oo Qaranka Soomaaliyeed yeesho  shacbigana la xisaabtami karaan waa in ay isku qiimeeyaan, garsoorkoodana ku saleeyaan shaqsiga kartidiisa, wax qabadkiisa, daacanimadiisa ee waa inaan la  eegin yaa ku xiga  iyo yaa faraqabsi (laaluulsh) ku siinaya.. Dadka Soomaliyeed waa in ay taageeraan loollanka aqooneed ee uu la iman karo shaqsiga, balse ma’ahan in lagu doorto ama uu ku yimaado hayb qabiil.”  Dad badan oo dunida ku nool ayaa aaminsan in ay Soomaaliya ka dhalan karto dimuquraadiyad Xisbiyo badan haddii hoggaanka siyaasadeed ee dalka loo tartami lahaa, iyadoo aan qabiil lagu saleynayn.

Soomaaliya waxay haysataa fursado badan oo nabad lagu raadin karo marka la barbardhigo waddamada kale ee dunida, maxaa yeelay waxaay ka soo wada jeedaan jinsiyad isku mid ah, diin isku mid ah, dhaqan isku mid ah oo isku af ku wada hadla”. Yaasiin aad ayana uga mahad naqayaa sida kartida iyo aqoonta leh ee uu ugu dhax muuqdo bulshada uu ku dhax nool yahay ee Sweden.

Guntii iyo gabo-gabadii aqoonta aan u leeyahay Yaasiin Maaxi markaan miisaamay waxaan dareemeya in Soomaaliya ay baahan tahay jiil cusub oo siyaasiyiin ah (sida Yaasiin Maaxi) si aay uga saaraan Qarankaan bohosha lagu riday islamarkaana dhisaan Qarankii Qarniga cusub, jiilkaas cusub ee siyaasiyiinta ah waxay garanayaan sidii Qarankaas Qarniga cusub uu ula jaan qaadi lahaa Caalamaka.

Y_Mahi_socialdemokrati_1

Y_Mahi_socialdemokrati_2Y_Mahi_socialdemokrati_3Y_Mahi_socialdemokrati_4Y_Mahi_socialdemokrati_5

Mahadsanidiin.

Insha Wararka SSUP
Aasiya Hassan Adan
medie@ssup.se
www.ssup.se