Jubbaland oo jartay xiriirka DF iyo mas’uuliyiinta DFS ka jooga Kismaayo oo amar la dul dhigay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Hogaanka sare ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu amray in Mas’uuliyiinta DF Somalia ka jooga Kismaayo ay si degdeg ah isaga baxaan.

Amarkaani ayaa yimid kadib markii Mooshin maanta loo qaaday Baarlamanka Jubbaland lagu xaarantimeeyay jiritaankiisa.

Sargaal ka tirsan maamulka oo kamid ahaa gudi loo saaray ku wargelinta wafdiga dowladda ee Jooga Kismaayo in ay magalaada isaga baxaan ayaa warbaahinta u sheegay in la filaayo in diyaarad ay ka timaado Muqdisho ay Kismaayo ka qaado gudigaani.

Xaalada Guud ee Kismaayo iyo xafiisyada maamulka Jubbaland ayaa mar qura is bedelay waxaana la dareemayaa samxad iyo hadal heynta ku aadan Mooshinka maanta la meel mariyay.
1

3