Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Itoobiya waxa ay shalay meel mariyeen qaraar ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirada Itoobiya oo ku aadanaa in liiska argagaxisada looga saaro Ururka ONLF iyo labao urur oo kale oo horey looga mamnuucay dalkaasi.
Go’aankan Baarlamaanka Itoobiya ayaa dhiira gelinaya in kooxaha mucaaradka Itoobiya ay la soo baxana siyaasad degan oo nabdoon, waxaana dhabar jab uu ku yahay go’aankii xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay iney ka dambeeyen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo sarkaal Itobiyanka ah ee General Gabre oo dhawaan laga eryay xafiiskii IGAD sida uu horay u sheegay Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay warbaahinta.
Go’aankii ay qaateen golaha wasiiradda waxa uu ka hor imaanayay Ururka ONLF oo U dagaalama halganka gobonimo doonka dhulka Ogaadeeniya ee Soomaali Galbeed, waxaana 20-kii sano ee la soo dhaafay ay dagaal kula jiraan Nidaamka dowladda Itoobiya.
Waa mid kamid ah go’aanada ay ku fududaatay xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iusl wasaare Kheyre in Liiska argagixisada lagu daro ONLF iyadoo aysan kamid aheyn liiska argagisada Caalamka sida USA, Canada, EU, U.E.A, Russia, China, I.WM.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa wax ka baraneysa ineysan faragashan arimaha dalal shisheeye gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya Maadamada ONLF iyo Itoobiya ay dhexdooda gashay.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sii wada is bedelada siyaasadeed ee uu dalkiisa u horseeday tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana dhowaan xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis oo qaarkood dil ku xukunnaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku tilmaamtay ONLF inay yihiin Urur Argagixiso oo caqabad ku ah Amniga Gobolka, kaddib shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ay ka soo saareen qaraar ay ku ogolaadeen dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF oo hadda xuriyadisa dib u helay islamarkaana ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]