Ina Cali Waraabe: Ceebta UCID: (Naceybka iyo cadaawada Faysal)

Duurjoogta hilibka cunta waxaa ugu doqonsan waraabaha, dadkana midka sita magaciisa. Waxaa jirta xikmad dheheysa

لكل داء دواؤ الا الحما قة oo micnaheedu yahay CUDUR KASTA WUXUU LEEYAHAY DAAWO HADDII LAGA REEBO XAMAAQA oo ah dabbalnimada…xikmadf kalena waxaa ku soo aroortay

لسا ن العاقل وراء قلبه وقلب الجاهل وراء لسانه oo lagu fasiro Caaqilka carrabkiisu wuxuu ka dambeeyaa maskaxdiisa jaahilkana caqligiisa wuxuu ka dambeeyaa carrabkisa.

Feysal Waraabe waa ceebta ku habsatay xisbiga UCID oo ay madaxdiisu ka mid yihiin Cali Gurey oo ah qof miisaan culus leh, waana nasiib darro aad u weyn inuu Feysal madax ka noqdo xisbi ay dad noocaas ah ku jiraan.

Feysal cadaawada uu u qabo Xamar iyo dadka deggan waa mid dhaafsiisan dareenka mucaarid ka soo horjeeda in dib la isugu darsado labada gobol ee koofur iyo woqooyi…Waqtigiisa inta badan wuxuu ka shaqeeyaa sidii uu dadkaan walaalaha ah u kala goy lahaa. Wuxuu sameeyaa dabbaldegyo markuu Xamar ka dhaco qarax isagoo jecekl inay dad aad u fara badan ku dhintaan qaraxyada si uu habeenkaa hurdo fiican u helo.

Neceybka iyo cadaawada uu Xamar u qabo Feysal dad badan ayaa la wadaaga, haba ugu darraado saaxibkiis Cabdiraxmaan Faroole oo isagana afkiisa waxa ka soo baxa uusan isaga u talin, waxaana la hubsaday inuusan lahayn caqli wax kala sooca. Khatarta ugu weyn ee nagu soo socota waxaa ka mida inuu Faroole yiri waxaan ahay MURASHAX u taagan xilka Madaxweyne ee Somaliya..kaddib fashilki Puntland oo xataa qoyskiisi iyagu isxabadeeyeen markuu wiilkiisi hooyadii toogtay, taasoo ah natiijadi xaaraanti lagu soo koriyay…Bal haddii la doorto xaguu degi rabaa mar hadduusan caasimada Muqdihso tegi karin uusan marna dib ugu laaban wixii ka dambeeyay qaxii uu ka soo cararay kabihiisi.

Yaa qiyaasi kara Ina Cali Waraabe waxa uu rabo? Wuxuu rabaa in loo arko waddani juecel Somaoliland iyo horumarkeeda, laakin waddada uu doortay inuu u maro waa mid khaldan oo u abuureysa cadaawo badan reer Somaliland…sidi uu sheegay Cali Gurey kuwa isku sheegaya siyaasiyiin ayaa waxay moodanaam inay meel ku gaari karaan eedeynta iyo neceybka ay u qabaan Somaloiya. Waxayna ka dhigteen waddo ay ku tartamayaan dad uu ka mid yahay Axmad Samatar oo fashikiisi Xamar kaddib u ololeynaya aqoonsiga Somaoliland oo wasiilada loo adeegsanayo ay tahay in la naco Somaliya laguna dadaalo sidii ammanka loogala dagaali lahaa… Waxaa socda baaritaan lagu hubsanayo in amni darrada ku kordheysa koofurta, gaar ahaan magaalada Muqdishu uu qayb ku leeyahay isaga iyo qaar kale oo la soo bandhigi doono markey baaritaanka dhammeeyaan dadka u xilsaaran.

Feysalow ogaaw haddii aad afkaaga ka adkaa weyso inuu kuu horssedi doono shallaay iyo qoomamo aad weligaa ka sheekeyso. Xaasuuso xikmadi ahayd

أحبس لسا نك قبل أن يحبسك oo micnaheedu yahay afkaaga ka adkaaw intuusan kaa adkaan…iyo xikmadi kale

اذا تم العقل نقص الكلا م

Intaasi waa waano ee wax ku qaado. Xisbiga UCID waxaan leenahay qof Feysal dhaanta u dhiiba xilka uu haayo waayoo waa qof aan xil qaadi karin maadaama uu caqligiisu uusan kaamil ahayn.

Dadka ku takhasusay dhaqanka baniiaadamka ”human behaviour analysts” waxay kugu qiimeeyeen inaad qabto cudurka loo yaqaano INFERIORITY COMPLEX which takes you to extreme vulgarity with your failed aspiration to become one day somehow someone. No community will ever accept you even as member. 

W/Q: Cali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com