Ciidamo xoog kula wareegay qeybo kamid ah Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Waqooyiga Magaaladaasi ay la wareegen ciidamo ka tirsan maamulka kuwaasi oo la sheegay inay gadoodsanaayen.

Goobaha ay Ciidamada gadoodsan la wareegey ayaa waxaa kamid ah Kontorolka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo goobo kale oo uu maamulka ka arrimiyo.

Ciidamadaani oo aad u badnaa ayaa ka gadoodsan Mushaar la’aan kasoo foodsaartay maamulka Puntland kuwaasi oo gabi ahaan soo faarujiyay dhufeysyadii ay ku sugnaayen.

Ciidamadaani oo watay gaadiid dagaal ayaan mushaar la siin ku dhawaad Shan bil, waxa ayna xireen dhamaan wadooyinka iyo deegaano farabadan oo ku yaalla Waqooyiga Magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, waxa uuna gadoodkooda kusoo beegmayaa xili madaxweynaha uu halkaasi u joogo howlo la xiriira amniga.

Ciidamadaani ayaa ku goodiyay inay ku kici doonaan falal ka daran gadoodkooda waa haddii aan la siin xuquuqdii ay ku shaqeynayeen.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo Saraakiisha Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com