Siyaasi xog ka bixiyay kulankii culimada lagula qaatay Villa S.

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada laga hadal hayo go’aanka ay Golaha Wasiirada ku ansixiyeen sharciga Jinsiga, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali ayaa sheegay inuu walaac ka qabo in Diinta Islaamka oo ay heystaan Umadda Soomaaliyeed lagu iibsado dhaqaale aan sidaa usii badneyn waxa uuna ka digay in Culimada Soomaalida ay iibsadaan diintooda iyaga oo fiirinaaya laaluush la siiyo.

Salaad waxa uu sheegay inuu maqlay Culimo dhowr ah oo Dowlada Somalia ku raacay sharciga Jinsiga ee qaabka diinta khilaafsan loo dhigay waxa uuna tilmaamay in Culimadaasi ay qaaten dhaqaale wuxuuna ka digay in Somalia loo horseedo carro alle.

Waxa uu tilmaamay in Culimadaasi lagu qanciyay kulankii ugu danbeeyay ee Villa Somalia kula qaaten Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka, wixii intaa ka danbeeyayna aysan dib uga hadlin warbaahinta, sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeelle oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed dhawan ay daboolka ka qaadeen qodobada sharcigaas ku jira ee ka hor imaanaya Diinta Islaamka, balse ay u muuqdaan in afka la qabtay iyadoo ay wali jiraan qodobo halis ku ah diinta.

Wuxuu sheegay in xuquuqda Dumarka ay heer aad u sareyso gaarsiisay diinta Islaamka balse xuquuqda sharcigaan Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska uu dumarka u qeexayo uu yahay mid gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimaadka ah ku riixaya Gaalnimo isagoo u cuskanaya naska kitaabka kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

Salaad waxa uu sheegay in maalintii koowaad ay Culimada ka qeyliyeen sharcigaasi, balse markii danbe oo ay la kulmeen Madaxweynaha dalka uu afkii juqda gabay, isagoo aamusnaanta Culimada ku micneeyay qaadashada waxa uu ugu yeeray laaluush, sida uu hadalka u dhigay.

”Waan ka digayaa in culimada Soomaaliyeed ay diinteena ku bedeshaan laaluushka loogu yeeray Madaxtooyada, waxaan ku baaqayaa in culimada aysan nagu haligin sharciga oo ay badbaado u noqdaan Umadaani muslimka ah”

”Hadii go’aanka culimada uu noqdo inay ku daba feelaan dowlada waxaan anaguna qaadan doonaa go’aan lidi ku ah labada dhinac”

Haddalka Salaad Cali Jeele waxa uu u muuqdaa mid lagu canaananaayo dowlada federaalka iyo culimada Soomaaliyeed, iyadoo aamusnaanta culimada ay shaki galisay inta badan shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com