India oo go’aan cusub ka qaadatay Sheekh Xafiid Saciid weerarkii Mumbai kadib (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wadaad u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Xafiid Saciid oo Hindiya iyo Maraykanka ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay weerarkii 2008-dii lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Mumbai ayaa xabsi guri laga siidaayay.

Ninkan oo madaxiisa saarnayd lacag abaalmarin ah oo dhan $10 milyan oo doolar ayaa ku jiray xabsi guri magaalada Lahore tan iyo bishii Janaayo.

Maxkamad dalkaas ku taala ayaa xukuntay in la siidaayo kadib markii ay diiday dooddii dowladda ee ahayd in uu halis ku yahay bulshada.

Weerarkii rag hubeysan ay ku qaadeen Mumbai ayaa waxaa lagu dilay illaa 160 qof, balse Sheekh Xafiid waa uu beeniyay in uu wax lug ah ku lahaa weerarka.

“Hindiya markasta waxa ay soo jeedin jirtay eedeymo la xiriira argagixisonimo, balse maxkamadda sare ayaa ayaa cadeysay beenta iyo borobagaandada Hindiya” ayuu yiri Sheekh Xafiid.

Go’aankii xabsi guriga lagu galiyay Xafiid ayaa waxaa loo arkay in ay dowladda kaga jawaabaysay culees kaga yimid madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la yimid dardar cusub oo xagga la dagaalanka argagixisada ah.

Waxa uu asaasay kooxda hubeysan ee Laskar Al Tayba sanadihii 1990-naadkii, markii taas la mamnuucay, wuxuu dib usoo nooleeyay hay’adda samaofalka ee Jamaacad Al Dacwaa.

Balse Maraykanka ayaa hay’addan ku eedeeyay in ay gabbaad u tahay garabka hubeysan.

Waraysi uu Xafiid siiyay BBC-da sanadkii 2014-kii ayuu ku sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn weerarkii Mumbai, caddaymaha ay Hindiya soo bandhigtana ay yihiin kuwa been abuur ah.

“Dadka reer Pakistan waa i garanayaan, waana i jecelyihiin. Qofka iskuma dayin in uu u tago Maraykanka si uu u helo abaalmarinta madaxayga saaran. Doorkeyga waa cadyahay, Alle ayaana i difaacaya” ayuu yiri.

Hindiya ayaa ku eedeyneysa in uu isaga abaabulay weerarada ka dhaca gudaha dalkaas, balse Pakistan waxa ay sheegtay in aysan jirin wax caddaymo ah oo maxkamad lagu saaro.

Xafiid ayaa markii koowaad muddo saddex bilood ah la xiray kadib markii ururka Lashkar lagu eedeeyay in uu weeraray baarlamaanka Hindiya.

Waxaa sidoo kale la xiray sanadkii 2006-dii kadib markii ay dowladda Pakistan sheegtay in uu samaynayo ficilo halis ku ah xiriirka ay la leedahay dowladaha kale. Waxaa la siidaayay dhawr bilood kadib

Markale sanadkii 2008-dii ayaa la galiyay xabsi guri kadib weerarkii Mumbai.

Dowladda Pakistan ayaa qiratay in qeyb ka mid ah weerarka Mumbai laga soo maleegay gudaha dalkeeda , islamarkaasna ururka Lashkar uu qeyb ka ahaa.

Dhawr qof ayaa lagu xiray Pakistan kuwaas oo lala xiriiranayo weeraradii Mumbai.

bbc

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com