28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya oo markii ugu horeysay wada-hadlay kadib dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudigu.

Tani waa xiriirkii ugu horreeyay ee si cad loo shaaciyo oo dhexmara labada dal tan iyo markii Iiraan ay weeraro ku qaadday dalalka deriska la ah ee Khaliijka, taas oo aargudasho u ahayd weeraro ay geysteen Israa’iil iyo Mareykanka.

Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir waxay “eegis ku sameeyeen isbeddelladii ugu dambeeyay, iyagoo ka wada-hadlay siyaabaha loo yareyn karo xiisadda si dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida gobolka,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Wada-hadalkan ayaa dabo-socday ku dhawaaqista xabbad-joojin labo toddobaad ah oo u dhexaysa Iiraan iyo Mareykanka, wuxuuna ku soo beegmay maalmo un ka hor wada-hadalo qorsheysan oo u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo dhammaadka toddobaadkan ka dhici doona caasimadda Islamabad.

Doorka Pakistan iyo saameynta gobolka

Pakistan ayaa muujinaysa inay tahay dhex-dhexaadiye nabadeed oo xallinaya khilaafkan, iyadoo ka faa’iideysanaysa xiriirka deggan ee ay la leedahay Tehraan iyo Washington iyo sidoo kale xuduudaha ay wadaagaan iyo xiriirka dhaqameed ee kala dhexeeya Iiraan.

Amiir Faisal ayaa qayb ka ahaa kulan uu bishii Maarso martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar, kaas oo ay sidoo kale ka qayb-galeen dhiggooda dalalka Turkiga iyo Masar, si looga wada-hadlo dejinta xiisadda iyo khilaafka taagan.

Sikastaba, Pakistan iyo Sacuudiga ayaa saxiixay heshiis iskaashi difaac oo istiraatiiji ah sanadkii 2025-ka, taas oo xoojisay xiriirkoodii soo jireenka ahaa, balse sidoo kale xaddidaysa ilaa heerka ay Islamabad garab istaagi karto Tehraan.

Weerarada Khaliijka iyo go’doonka marinka Hormuz

Dhammaan waddamada Khaliijka, oo uu ku jiro Sacuudiga ayaa la kulmay weeraro tan iyo 28-kii Febraayo, xilli Iiraan ay ka aargudanaysay duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo Mareykanka.

Iiraan ayaa dhowr jeer weerartay gobolka, waxayna si dhab ah u xanibtay marinka Hormuz (Strait of Hormuz), kaas oo ay caadi ahaan marto qiyaastii shan-meelood meel shidaalka adduunka.

Wax yar uun ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojinta lala galay Iiraan habeenkii Talaadada ayaa weeraro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) laga soo sheegay guud ahaan waddamada Khaliijka.

Saacadihii hore ee Arbacada, Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo ridi lahaayeen khataraha ku soo wajahan, iyadoo mar dambe oo maalintaas ahna la soo sheegay in la bur-buriyay gantaallo kale.

Dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga isku xira Bariga iyo Galbeedka ayaa sidoo kale Arbacadii lala beegsaday weerar ay fulisay Iiraan, iyadoo lala helay xarumo kale, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo dhanka warshadaha ah.

Dhuumahan ayaa ah waddada kaliya ee boqortooyadu u dhoofiso saliidda ceyriin, ka dib markii Iiraan ay xirtay marinka Hormuz.

Bishii la soo dhaafay, Amiir Faisal ayaa ka digay in weerarada Iiraan ee Sucuudiga iyo dalalka deriska la ah ay meesha ka saareen wax kasta oo aaminaad ah oo lagu qabi lahaa Tehraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan “aysan hadda ahayn saaxiib istiraatiiji ah – waligeedna aysan ahayn”. “Waxay noqon lahayd mid iskaashi lala yeesho haddii ay qaadi lahayd waddo ka duwan tan,” ayuu raaciyay Amiir Faisal.

- Advertisement -

Read more

Local News