28.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Jermaine Grant oo loo maxkamadeynayo doorkiisii hogaamineed ee Al-Shabaab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka UK oo 43 jir ah ayaa kasoo muuqday maxkamad isagoo ku eedeysan inuu door hoggaamineed ku lahaa kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, oo ah urur xiriir la leh Al-Qaacida iyo kooxda dowladda Islaamiga ah (Daacish).

Jermaine Grant ayaa lagu eedeeyay inuu maamulayay hawlgallada Al-Shabaab in ka badan 16 sano kahor, dabayaaqadii sanadihii 2000-meeyadii. Eedeynta ayaa qeexaysa inuu noqday taliye horin.

Qiimeyn ay sameysay dowladda UK 2025-kii ayaa Al-Shabaab ku tilmaantay “khatar joogto ah” oo ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taas oo fulisa “weeraro waaweyn oo caqabad ku ah awoodda dowladda”. Kooxdan ayaa bartilmaameedsata shaqaalaha gargaarka caalamiga ah, saxafiyiinta, ganacsatada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka soo horjeeda ama iska caabiya.

Grant, oo ku dhashay magaalada London, ayaa sidoo kale wajahaya saddex eedeymood oo ah inuu ka qaybgalay xero tababar komaandoos oo Al-Shabaab ay ku lahayd magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, iyo laba eedeymood oo ah inuu qori AK-47 ah u haystay falal argagixiso intii ay socdeen dagaallo ka kala dhacay garoonka cayaaraha ee Muqdisho iyo degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada.

Dhammaan dembiyadan la eedeeyay ayaa la sheegay inay dheceen intii u dhexaysay 31-kii Diseembar 2007 iyo 1-dii Janaayo 2010. Waa xilligii ay Al-Shabaab soo shaacbaxday, ayna ku biireen dagaalyahanno caan baxay oo ay ka mid tahay Samantha Lewthwaite, oo u dhalatay UK, mararka qaarna loo yaqaano ‘Carmaladdii Caddayd’ (White Widow).

Al-Shabaab ayaa markii dambe sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

Taliyaha ciidanka la-dagaallanka argagixisada ee London, Kris Wright, ayaa sheegay in kiiskani uu muujinayo in ciidanku ay “mar walba daba-geli doonaan qof kasta oo looga shakiyo inuu ku lug leeyahay falal argagixiso, meel kasta oo dunida ka mid ah ama waqti kasta oo la sheego inuu falkaas dhacay”.

Frank Ferguson, oo ka tirsan waaxda la-dagaallanka argagixisada ee Xafiiska Xeer-ilaalinta dowladda (CPS), ayaa sheegay in kooxdiisu ay ka shaqeysay sidii loo xaqiijin lahaa inay jirto “caddeyn ku filan oo kiiskan lagu horgeeyo maxkamadda, ayna dan guud tahay in la sii wado dacwaddan ciqaabeed”.

Kiiskan ayaa dib loo dhigay muddo toddoba maalmood ah si loo helo oggolaanshaha Xeer-ilaaliyaha Guud si dacwadda loo sii wado. Grant ayaa mar kale kasoo muuqan doona maxkamadda Westminster Magistrates Court 16-ka bisha Abriil. Eedeysanaha ayaa xabsiga lagu sii haynayaa, mana la weydiin inuu caddeeyo inuu dembiga qirayo iyo in kale.

- Advertisement -

Read more

Local News