Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka tartanka orodka ee toddobaadka ciyaaraha nabadda iyo horumarka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la orday qeyb ka mid ah masaafada 3 kiiloomitir, iyadoo tartankan ay ka qeyb galeen in ka badan 300 oo dhallinyaro orodyahanno ah. Sannadkan, tartanka waxaa loogu magac daray Toddobaadka Nabadda iyo Horumarka Isboortiga.
Markii uu tartanku soo idlaaday, Ra’iisul Wasaaraha ayaa billado iyo abaalmarinno guddoonsiiyay dhallinyaradii kaalmaha hore ka galay tartanka, isaga oo ku bogaadiyay dadaalkooda, kartidooda iyo anshaxa ciyaareed ee ay muujiyeen intii uu socday tartanku.
Wuxuu sidoo kale xusay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta nabadda, dhiirrigelinta wadajirka bulshada iyo horumarinta caafimaadka jirka iyo maskaxda ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda tartankan orodka ah waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyadoo goobjoog uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Qaban-qaabada munaasabaddan ayaa waxaaa iska kaashaday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Ciyaaraha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qaabilsan ciyaaraha fudud.
Si kastaba, orodkan ayaa ka tarjumaya horumarka dhanka nabadda ee dalku ku tallaabsanayo iyo isku duubnida dhallinyarada ee rejada wanaagsan ee ku aaddan mustaqbalka dalkeenna iyo horumarka guud ee qaranka.












