Washington (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa Khamiistii si cad u beenisay inay wax xiriir ah la lahayd Jeffrey Epstein ama ay wax ka ogtahay dambiyadii galmada ee loo haystay, iyadoo sheegtay in “sheekooyinkaasi ay gebi ahaanba been yihiin” isla markaana ku tilmaantay eedeymaha lagula xiriirinayo “sumcad dil igu wajahan.”
Bayaan naadir ah oo ay ka akhrisay Aqalka Cad, ayay Melania ku sheegtay in iyada iyo qareenadeedu ay ka soo horjeedaan wax ay ugu yeertay “been abuur aan sal iyo raad toona lahayn” oo ku saabsan xiriirka la sheegay inay la lahayd maalqabeenkii geeriyooday, kaas oo ahaa dambiile galmo oo xiriirkiisa dadka taajiriinta ah, kuwa awoodda leh iyo kuwa caanka ah u adeegsaday inuu ku soo xero-geliyo dhibbanayaashiisa, dambiyadiisana ku qariyo.
“Beenta igu xiriirinaysa ninka fadeexadda ku suntan ee Jeffrey Epstein waa inay maanta soo afjarantaa. Shakhsiyaadka beenta iga faafinaya waa kuwo ka maran mabaadi’da anshaxa, is-dhul-dhigga iyo ixtiraamka,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay inay diiddan tahay isku-dayga xaasidnimada ah ee lagu doonayo in lagu xumeeyo sumcaddeeda.
Farriintan lama filaanka ah ayaa soo baxday xilli seygeeda, Madaxweyne Donald Trump, iyo maamulkiisu ay u muuqdeen inay ugu dambeyn ka gudbeen in ka badan hal sano oo muran ah oo ku gedaamnaa kiiska Epstein, gaar ahaan xilli dagaalka Iiraan uu noqday midka ugu weyn ee looga hadlo Washington.
Hadallada Marwada Koowaad ayaa u muuqda kuwa kiiskan dib ugu soo celiyay fagaaraha siyaasadda, xitaa iyadoo madaxweynuhu uu shacabka iyo warbaahinta ugu baaqay inay ka gudbaan dhacdadan. Dhanka kale, cinwaanka Aqalka Cad ee barta X ayaa dib u baahiyay muuqaalka ay soo dhigtay Marwada Koowaad, iyadoo aan wax faallo ah lagu darin.
Melania Trump ayaa sidoo kale ugu baaqday Koongareeska Mareykanka inuu qabto dhegeysi dadweyne oo diiradda lagu saarayo dadkii ka badbaaday dambiyada Epstein, si ay fursad ugu helaan inay hor istaagaan sharci-dejiyeyaasha, sheekooyinkoodana loogu daro diiwaanka Koongareeska. “Haweeney kasta waa inay heshaa maalin ay sheekadeeda fagaare uga sheegto haddii ay rabto,” ayay tiri. “Markaas, iyo markaas oo keliya, ayaan heli doonnaa xaqiiqada dhabta ah.”
Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si degdeg ah uga falceliyay hadallada Melania Trump, iyagoo sheegay inay ku raacsan yihiin baaqeeda ku aaddan dhegeysiga Koongareeska. Xildhibaan Robert Garcia, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Dimoqraadiga ee Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada ee baaraya kiiska Epstein, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ugu baaqay guddoomiyaha Jamhuuriga ee guddigaas, Xildhibaan James Comer, inuu “si degdeg ah” u muddeeyo dhegeysi dadweyne.
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ku kalliftay Marwada Koowaad inay xilligan ka hadasho arrintan. Baaqeeda ku aaddan in arrintan dib loogu celiyo Koongareeska ayaa yimid kaddib markii hay’adaha federaalku ay sii daayeen malaayiin bog oo dokumiintiyo ah oo hoos yimaada Sharciga Daah-furnaanta Faylasha Epstein. Sharcigan ayaa la meel-mariyay kaddib bilooyin ay socdeen cadaadis dadweyne iyo mid siyaasadeed, wuxuuna dowladda farayaa inay soo bandhigto faylasheeda ku saabsan maalqabeenkii dhintay iyo saaxiibtiisii hore Ghislaine Maxwell.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa bishii hore sii deysay xog kooban, arrintaas oo ay sharci-dejiyeyaashu ka cawdeen, balse mas’uuliyiinta ayaa sheegay in waqti dheeraad ah loo baahan yahay si dib u eegis loogu sameeyo dokumiintiyo dheeraad ah oo la helay, loona xaqiijiyo inaan la shaacin xog xasaasi ah oo ku saabsan dhibbanayaasha.
Melania Trump ayaa bayaankeeda ku caddeysay in aysan saaxiib la ahayn Epstein ama saaxiibtiisii hore Ghislaine Maxwell, balse ay isku soo gaareen goobo bulsho oo ku yaalla New York iyo Florida. Waxay ku sifeysay jawaab email oo ay u dirtay Maxwell inay ahayd “wada-xiriir caadi ah”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Waxay tiri: “Jawaabteyda asluubeysan ee email-keeda kama dhigna wax ka badan arrin iska fudud.”
Dokumiintiyada ay sii deysay Wasaaradda Caddaaladda waxaa ka mid ahaa email gaaban oo la diray sanadkii 2002-dii, kaas oo la qariyay magacyada ciddii dirtay iyo ciddii loo diray. Wuxuu ku bilaabanayaa, “Dear G.!” wuxuuna ku dhammaanayaa “Love, Melania,” isagoo ku bogaadinaya qofka loo diray maqaal wargeys oo ka hadlayay “JE.” Email-ka ayaa u qornaa: “Waan ogahay inaad aad ugu mashquulsan tahay inaad u duusho daafaha caalamka. Sidee ahayd Palm Beach? Ma sugi karo inaan halkaas imaado. I soo wac marka aad ku soo laabato NY.”
Email-kaas ayaa la diray isla bishii la daabacay maqaal ku soo baxay Wargeyska New York Magazine oo ka hadlayay Epstein, kaas oo Trump uu maalqabeenkaas ku tilmaamay “nin aad u wanaagsan.” Dokumiintiyada kale ee la sii daayay waxaa ka mid ahaa sawir laga qaaday guriga Epstein oo muujinaya sawirro taxane ah. Sawirkaas dhexdiisa, khaanad ay ku jiraan sawirro kale, waxaa ku jiray sawir ay wada-galeen Trump, Epstein, Melania Trump iyo Maxwell oo muddo dheer xiriir la lahayd Epstein.
Hadalladeeda, Marwada Koowaad waxay dhowr jeer soo hadal qaaday seygeeda. Waxay sheegtay, si ka duwan wararka xanta ah ee jira, in Epstein uusan is-barin iyada iyo Trump, balse ninkeeda ay isku barteen xaflad ka dhacday magaalada New York sanadkii 1998-kii.

