Tel Aviv (Caasimada Online) – Israaiil iyo Iiraan ayaa Khamiista maanta ah mar kale is-weydaarsaday weerarro gantaallo ah, iyadoo maalintii toddobaad uu galay dagaalka labada dal oo muddo dheer colaado ka dhexeeyeen. Haddaba waxaa hoos ku xusan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaalka:
Weerar laguq aaday isbitaal
Isbitaal ku yaalla koonfurta Israaiil ayaa la weeraray, ka dib markii Iiraan ay ku garaacday tobannaan gantaal, sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaa sidoo kale la soo weriyay in gantaalladu ay ku dhaceen laba magaalo oo kale oo ku dhow xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv.
Isbitaalka Soroka ee magaalada Beersheba ayaa dab qabsaday weerarka kaddib, iyadoo agaasimaha isbitaalka, Shlomi Codish, uu sheegay in ilaa 40 qof ay dhaawacmeen.
“Qeybo badan oo isbitaalka ka mid ah ayaa gebi ahaan burburay, waxaana ka muuqata waxyeello baaxad leh oo guud ahaan isbitaalka soo gaartay,” ayuu yiri Codish.
Iiraan ayaa sheegtay in bartilmaameedkeeda rasmiga ah ee weerarka uu ahaa saldhig milatari iyo xarun sirdoon oo ku dhow goobtaas, balse aysan ahayn isbitaalka.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in sharciga caalamiga ah uu dhigayo in “isbitaallada la ixtiraamo oo la ilaaliyo.”
Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa labada dhinac ugu baaqay isxakameyn, wuxuuna sheegay inay tahay wax laga argagaxo “in shacabka lagu bartilmaameedsado colaadaha.”
Ra’iisul wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in Tehran ay bixin doonto qiimo culus.
Israaiil oo u hanjabaad u dirtay Khamenei
Netanyahu oo ka hadlayay magaalada Beersheba kaddib weerarka isbitaalka ayaa sheegay in Israaiil ay ka go’an tahay inay baabi’iso halista hubka nukliyeerka iyo awoodda gantaalaha ridada dheer ee Iiraan.
Wasiirka difaaca Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, “aan loo dulqaadan karin inuu sii jiro.”
“Khamenei wuxuu si cad ugu dhawaaqay inuu doonayo inuu Israaiil burburiyo, isagoo toos u amray weerarrada lagu qaadayo isbitaallada,” ayuu yiri Katz. “Qof sidan ah lama oggolaan karo inuu sii jiro.”
Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku uu og yahay halka uu ku sugan yahay Khamenei balse aysan hadda qorsheynayn inay dilaan.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha ugu sarreeya Shiicada Ciraaq, Ayatollah Ali Sistani, ayaa ka digay in weerar kasta oo lagu qaado hoggaanka sare ee diimeed iyo siyaasadeed ee Iiraan uu horseedi karo cawaaqib khatar badan oo gobolka saameeya.
Trump oo ka fiirsanaya inuu dagaalka ku biiro
Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ka qaybqaato weerarrada Israaiil, isagoo sheegay in Iiraan ay ka dalbatay wadaxaajood lagu joojiyo colaadda.
“Waxaa dhici karta inaan dagaalka galo ama aanan gelin,” ayuu Trump u sheegay saxaafadda. “Waxaan kuu sheegayaa in Iiraan ay ku jirto dhibaato weyn, waxayna doonaysaa wadaxaajood.”
Saraakiisha Yurub iyo kuwa Iiraan ayaa shaaciyay in wadahadal ku saabsan arrimaha nukliyeerka uu ka dhacayo Geneva maalinta Jimcaha, iyadoo ay kasoo qeybgalayaan diblomaasiyiin ka socda Britain, Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Abbas Araghchi oo matalaya Tehran.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in Trump uu ansixiyay qorshe weerar, balse uu ka war dhowrayo haddii Iiraan ay diyaar u tahay inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka.
Guddiga Ilaalinta (Guardian Council) ee dowladda Iiraan ayaa uga digay Mareykanka inuu dagaalka soo farageliyo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo adag haddii dowladda Mareykanka iyo “madaxweynaheeda doqonka ah” ay tallaabo milatari qaadaan.
Ruushka, oo saaxiib dhow la ah Tehran, ayaa ka digay in tallaabo kasta oo milatari ah oo Mareykanku qaado ay noqon karto mid “aad u khatar badan.” Kooxo taageera Iiraan oo Ciraaq ku sugan ayaa iyaguna ku hanjabay inay qaadi doonaan weerarro aargoosi ah.
Diblomaasi sare oo Mareykan ah, Tom Barrack, ayaa kooxda Xisbullah ee Lubnaan uga digay inay dagaalka soo galaan, isagoo ku tilmaamay go’aankaas inuu noqon doono mid aad u xun.
Weerarrada goobaha nukliyeerka
Ciidanka Israaiil ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen mishiin nukliyeer oo aan shaqaynayn oo ku yaalla Arak, halka ay sidoo kale mar kale garaaceen xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz.
Milatariga Israaiil ayaa sheegay in weerarka Arak uu ahaa mid looga hortagayay in mishiinkaasi dib loo hawlgaliyo, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen tobannaan goobood oo kale.
Iiraan oo xabsiga dhigtay 24 qof
Booliska Iiraan ayaa Khamiistii shaaciyay inay xireen 24 qof oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israaiil isla markaana isku dayayeen inay abuuraan xasillooni darro, ayna sumcad-xumo iyo burbur u geystaan nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Tasnim.
Labada dal ee Israaiil iyo Iiraan ayaa labaduba shaaciyay xarig ay kula kacayaan dad lagu soo eedeeyay basaasnimo iyo dambiyo kale tan iyo markii uu dagaalka bilowday Jimcihii hore.