Is-afgaradka Somalia iyo Itoobiya kadib maxaa laga fursan doonin oo muhiima?

Ka aqoonyahan ahaan wax dhib ah uma arko in wixii dhacay (somaliya iyo itooboiya dhexdooda) 100 kii sano ee ugu dambeysay laga heshiiyo si hore loogu socdo oo adduunka wax loola qabsado, Laakiin waa in lagu dhiso xiriirka cusb hab isu dheeli tiran oo aan markale cidna u saamaxeyn in ay ku xadgudubto cidda kale.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay dhici karto in laga wada shaqeyn waayo taasoo ka imaaneyso in aan isfahamku caddeyn oo mugdi badan ku jiro, waxyaabo badan oo muhiim ahna aan qoraalka lagu muujin, ayna tahay in marka la kala saxiixanayo heshiisyada ugu dambeeya ee is afgaradkaan la caddeeyo mugdigana laga saaro, loona gudbiyo golayaasha qaran ee sharci dejjinta. Waxaa ka mid noqon karo wax yaabaha qarsan kow iyo tobanka shey ee soo socota iyo kuwa kale:

  1. In sida Itobiya u difaacaneyso midnimadeeda somaliyana u difaacato, ayna Itobiya caddeyso mowqifkeeda ku aadan soomaliya midnimadeeda iyo sifada joogitaankeeda iyo xafiisyada ay hadda ku leedhay meela badan oo somaliya ka mid ah, marka laga reebo ciidamada qaybta ka ah nabad ilaalinta somaaliya ee AMISOM.
  2. Itoobiya in ay boqol milyan ka badan tahay shacab ahaan xaq ma u siineyso in ay hesho sami ka badan ka soomaliya heleyso, marka wax la wada qaybsanayo ama maalgashi dhacayo. Maxaayeelay dhulka Somaaliyaa iska leh ciddi maalgashi sameysato waqti ayaa loo qabanayaa uu ku soo dhamaanayo maalgashigeedu taasi waa arin muhiim ah.
  3. Soomaaliya shuruuc maalgashi shisheeye ma’u diyaarsan tahay oo gorgortan ma gelikartaa ay ku guuleysan karto, jawaab ayey u baahan tahay, haddii jawaabtu maya noqoto heshiiska waa in dib loo dhigo si aan dalkaan khatar loo gelin.
  4. Waxaa iyaduna aad muhiim u ah in adduunka isbeddel xoog leh ee xagga technolojiyada uu ka socdo, sidaas aawgeed hishiisyada muddada dheer aad ayey mustaqbalka khatar u yihiin, waana in la xusaa heshiis kasta waqtigiisa oo lasoo gaabiyey, lana cusbooneysiinkaro.
  5. Haddii Itoobiya bad u baahan tahay Somaliya bad uma heyso Itoobia waxaysa u dhib yareyn kartaa in ay si sahlan wax ula soo degto ama u dhoofsato, taas oo ah maslaxad laba geesood ah.
  6. Waxaa Soomaliya u muhiim ah in ay heshiis kasta oo ay Itobiya la geleyso lagu caddaayo xaqa soomaliya u leedahay biyaha webiyada Jubba iyo shabeelle oo hadda dhib ka jiro ayna waddo (ITOOBIYA) barnaamijyo biyahooda lagu kontroolayo, waa in heshiiska lagu caddeeyo in aan Soomaliaya Biyaha lagu ciriiryin oo siyaasadda laga saaro, is fahamkii dhacay kama muuqan arrintaani.
  7. Arrinka khatarta badan leh ee is fahamka ku jira waa kan lagula gelayo Itoobiya in ay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya qunsuliyado ka furato, taas oo u muuqata baahi aan jirin laakin dan qaas ah laga leeyahay, una baahan in laga digtoonaado.
  8. Waxaa dowladda Nabad iyo Nolol kula tali lahaa in ay ka fiirsato arrimaha khuseeya amniga dalka iyo amniga wax soosaarka.
  9. Ganacsiga ka dhexeeynaaya labada waddan waa in uu noqdo mid isku miisaaman, haddii kale waxa la weyn doonaa Soomaali wax soo saara, taas oo lagu heli karo kaliya in waxa la’isu dhoofo la’isu miisaamo liisna lagu qoro, lagana fogaado waxa soomaalidu soo saarto in la ragaadiyo oo suuqa laga saaro.
  10. Dowladda waxa la sugayaa in ay maalgashi iyadu raadsato ee aan laga maamulin daaha gadaashiisa, ciddii aan ferderalka soo marinna aan aqoonsi la siin, si qarannimadeenu u nabadgasho.
  11. Dhulka waxa iska leh jiilal aan dhalan, kuwa hadda jooga ka hor, waa in looga tago dhaxal aan muran ku jirin.

GUNNAANAD

Dowladda waxa looga fadhiyaa in ay la timaado siyaasad isu dheeli tiran oo ka tarjumeysa midnimada qaran u madax bannaan danaha dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa, oo aan loo yeerin waxa uu u baahan yahay dalkoodu. Dhulkeennu waa qani waana heli karnaa maalgeshadayaal aan qarankeenna duulaan ku aheyn.

W/ Q. Dr. Inj. Axmed Cumar Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid