Is araga Xasan Sheekh iyo R/W CC oo yaraaday kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in hoos u dhac ballaaran uu ku yimid kulamadii faraha badnaa oo ay isku arki jireen Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke.

Hoos u dhaca kulamada labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xassan uu feejignaan ka muujiyay siyaasada Sharmaarke oo u janjeerta dhanka wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Madaxweyne Xassan oo ay lasoo daristay cabsi dhanka Sharmaarke, ayaa iminka dajiyay qorshooyin dhowr ah oo lagu dib dhigaayo doorashada, waxa ayna taasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu ka qariyo dhammaan qorshahaasi oo ay kamid tahay in dib u dhac lagu sameeyay doorashada dalka, waxaana kulanka lagu saxiixay dib u dhaca doorashada ka maqnaa Sharmaarke.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale sharmaarke ka qariyay dhowr barnaamij oo ku xeendaaba arrimaha doorashada kuwaasi oo badi lagu dajiyay xarumo ka baxsan Villa Somalia, si aan macluumaad looga helin kulamada.

Xassan Sheekh ayaa dhowr jeer oo sii horeysay ku fashilmay kulamo qarsoodi ah oo ay wada qaaten Sharmaarke kuwaasi oo xogaha kasoo baxay uu Ra’isul wasaaraha la wadaagay wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waana tan keentay in Xassan Sheekh uu ka fogaado Cumar C/rashiid.

Kulamada ay isku arkayaan Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa kusoo koobmay keliya warbixinada la xiriira Golaha Wasiirada iyo kuwa aan khuseyn arrimaha doorashada.

Tani waxa ay muujineysaa in arrimaha doorashooyinka dalka uu ka taagan yahay muran aan muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com