Wasiir Somaliland ah oo in ay maamul gobleed yihiin cadeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay lamid tahay maamulada kale ee ka jira Somalia islamarkaana hoostaga dowlada Somalia.

Muuqaal kooban oo laga soo duubay Wasiirka Biyaha Somaliland Baashe Cali jaamac, ayaa waxa uu ku cadeeyay in gabi ahaan Somaliland ay hoostagto dowlada Somalia, islamarkaana wax waliba ay la qeybsaneyso Soomaalida kale.

Baashe Cali jaamac, waxa uu sheegay in inta badan shacabka Somaliland lagu marin habaabiyo inay ka go’een Somalia inteeda kale, balse aanu warkaasi waxba ka jirin.

Muuqaalkaani oo ay baahiyeen Saxaafada Somaliland ayaa waxaa ka muuqda in Somaliland aysan marnaba ka madax-banaanaan doonin Somalia inteeda kale.

Shacabka Somaliland ayaa dareen gaar ah ka muujiyay Muuqaalkaasi iyaga oo durbadiiba hadalkaasi uga dacwooday madaxda sare ee maamulka.

Sidoo kale, Baashe Cali jaamac ayaa waxaa hadalkaasi uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Cali Waran Cadde oo isna muuqaal laga soo duubay horay ugu cadeeyay in Somaliland ay ka tallo qaadato marka sharciga la eego dowlada Somalia.

Waran cadde, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay tahay maamul gobooleed ka tirsan Somalia, islamarkaana aanu jirin xaqiiq muujineysa in Somaliland ay ka madax-banaan tahay Somalia inteeda kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com