Qarax lagu weeraray gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamado ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa dowlada Somalia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu geystay khasaaro kala duwan.

Kolonyada ayaa waxaa Qaraxa lagula eegtay nawaaxiga Baar-Jowhar, waxa ayna ciidamada xiliga Qaraxa kusii jeeden Xirada Maslaxa ee Degmada Hiliwaa, sida ay sheegen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyooden laba ruux oo midi uu ahaa Askari, halka kan kalane uu ahaa shacab, waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhaacaw kasoo gaaray ilaa seddex ruux.

Dhinaca kale, Qaraxa kadib ayaa sidoo kale, la sheegay in Ciidamada dowlada ay xireen gabi ahaan goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com