Daacish oo qorsheyneysa dilka madaxweynaha iyo fariin loo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa soo duubtay fariin Maqal iyo Muuqaal ah oo loogu hanjabayo madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Putin.

Muuqaalka kooxda Daacish ayaa lagu sheegay iney wadaan qorshe ay ku dilayaan madaxweynaha dalka Ruushka, iyadoo aan la cadeyn sababta ka dambeysa iney falkaasi ku dhawaaqaan.

Muuqaalkan oo uu kasoo muuqday ruux soo xirtay wajiga ayaa sheegay iney jihaad ka bilaabi doonaan dalka Ruushka ayna dalkaasi dhexdiisa ku dili doonaan madaxweyne Putin iyo dad kale ee Raashiyaanka ah.

“Maqal Putin, waan imaan doonaa Raashiya, waxaana idinku dili doonaa guryihiina”ayuu yiri ruux wajiga soo duubtay oo Daacish ka tirsan.

Kooxda Daacish ayaanan shaacinin waxyaabaha rasmiga ah ee keenay iney xiligan fariintaan hanjabaada ah u diraan madaxweyne Putin.

Dowlada Ruushka ayaanan wali ka jawaabin fariinta kaga timid kooxda Daacish.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com