Sawirro: Muqdisho oo gaadiid hor leh oo qaraxyo ay soo galeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada ayaa gacanta ku dhigay gaari la sheegay in la doonaayay in lagu fuliyo weerar ismiidaamin ah, kaasi oo lagu soo hardhay waxyaabaha Qarxa.

Gaarigaani ayaa waxaa lagu qabtay degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, waxa uuna xiliga la qabanaayay wadaha gaariga indha indheynaayay halka uu la beegsan lahaa.

Gaariga la qabtay ayaa noociisa ahaa Kaarib, iyadoo laga soo dhexsaaray Hubka noocyo fudud leh, Qaraxyo iyo maadooyinka laga sameeyo Qaraxa.

Culeyska Qaraxyada laga soo buuxiyay Gaariga ayaa waxa uu u badnaa afka hore iyo qeybta danbe ee Gaariga, iyadoo tanka Qaraxana uu ahaa mid aad u culus.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka waxa ay sheegen in Qaraxa uu ahaa mid lala damacsanaa Hoteelada iyo Xarumaha dowlada ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishu waxa ay sheegen inay hayaan xog muujineysa in magaalada Muqdisho, ay gudaha usoo galeen gaadiid miineysan oo ay maleeshiyadu dooneyso goob ay ku weerarto.

Ma aysan sheegin tirada saxda ah ee gaadiidka miineysa ee soo galay magaalada Muqdisho.
Qarax 1

Qarax 3

Qarax 2