XOG: Yaa hurinaya colaadda ka taagan degmada CEELBUUR?.!!

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo xiisad beeleedyo ay ka aloosan tahay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka maamulka Galmdug Maxamed Aadan Socdaal.

Socdaal ayaa sheegay inay la socdaan shaqsiyaadka hurinaaya colaadaasi waxa uuna sheegay in maamulka uusan indhaha ka qabsan doonin xaalada taagan.

Isaga oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in ay aad uga xun yihiin Dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada ku dhow dhow degmada Ceelbuur, waxa uuna faramuuqay in colaadaasi ay hurinayaan Siyaasiyiin uu sheegay inay ka leeyihiin dano siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ay adeegsanayaan odayaal kasoo kala jeeda labada dhinac oo ay colaada u dhexeyso, waxa uuna ka digay in odayaashaasi ay u nuglaadan adeegsiga la adeegsanaayo.

Waxa uu cadeeyay in siyaasiyiintaasi ay la socdaan qaabka ay colaada u hurinayaan, balse ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan waa haddii aysan ka laaban ficilada ay wadaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu kadigay in dano siyaasadeed darteed loo haligo dadka shacabka ah ee ku hoos nool deegaanada ay colaada ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com