Xog: TURKIGA iyo doorka uu ku yeelanayo doorashada 2016-ka

Muqdisho (caasimada Online) – Safiirka dowlada Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashooyinka shakiga badan la gelinayo ee bil kadib la filayo iney ka dhacaan dalka Soomaaliya, doorashadaasi oo hogaanka dalka lagu  soo dooranayo.

Amb Olgan Beker, safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta wuxuu kaga hadlay doorashooyinka sanadkaan iyo rajada dowlada  Turkiga ay ka qabto doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Safiirka wuxuu ugu horeyn sheegay in dowlada Turkiga ay doorweyn ka qaadan doonto sidii doorasho ay ka ga dhici laheyd dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney dadaal dheeri u gali doonaan, sidii doorashadaasi ay ku dhici laheyd.

Safiirka wuxuu sheegay in doorashada sanadkaan ay furo u tahay nidaamka dumuqraadiyeynta Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan iney doortaan hogaankooda sida uu sheegay.

Mr Beker, wuxuu sheegay in doorashada sanadkaan ay tahay mid ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in loo baahan yahay in laga fogaadaa wax walbaa oo shaki gelin kara doorashada sanadkaan.

Walaac badan ayaa waxa amuujinaya xildhibaanada baarlamaanka qaarkood iyo xisbiyada ka dhisan dalka oo ku aadan in doorashada ay dhici weyso waqtigii loo balamay.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com